Xog: Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Gobalka Gedo, Yaa Lahaa Diyaaradahaas,?

0

Diyaarado Dagaal oo ay leeyihiin Milatariga Kenya ayaa Duqaymo Xoog leh ka gaystay Maanta Deegaanka Kibis oo hoos taga Degmadda Garbahaareey ee Gobalka Gedo. Waxayna Xogta ay heshay Hornafrik sheegaysaa in Duqaymahaasi lala bartilmaameedsaday Saldhigyo Milatari oo ay halkaasi ku lahaayeen Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Duqeynta lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa Degaanka Kibis ee Gobolka Gedo Koofurta Soomaaliya.

Kenya weli wax Faah-faahin ah kama bixin Duqeynta Diyaaradaheedu ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Kenya waxaa marar badan lagu eedeeyay in Duqaymaha ay gaysato aysan lahayn Bartilmaameed Ciidan, Isla markaana aysan kala soocin Alshabaab iyo Shacabka. Waxaynta taasi keentay in Kenya ay dib uga fiirsato Istaraatiijayadeeda Dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.