Xog: Alshabaab oo Dilay Horjooge Ajanabi oo ka tirsanaa, Maxay tahay Sababtu,?

0

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay khaarijiyeen Horjooge ka mid ahaa ajaaniibta ka bar bar dagaalamayay oo u dhashay dalka Kenya, kaddib markii uu muran soo kala dhex galay.

Horjoogahan la dilay ayaa lagu magacaabaa Mustaf Xasan Maxamad sida ay Wargayska Daily Nation u sheegeen Eheladda Horjoogaha iyo Saraakiil Sirdoon.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in la dilay todobaadkii hore, markii uu ka soo hor-jeestay weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen gobolka waqooyi bari Kenya. Isagoona ku dooday inaysan haboonayn in la weeraro Goobaha Shacabka, taas badalkeedana ay Bartilmaameedkooda u badalaan Xarumaha Dawladda. Waxayse Horjoogayaasha kale ee Alshabaab ku tilmaameen Jaajuus loo soo diray inuu shaki kala dhex galiyo Maleeshiyaadkooda.

Sarkaalkan ayeey markii dambe Kooxda Alshabaab go’aansadeen inay khaarijiyaan. Waxaana lagu toogtay Meel Fagaare ah.

Al-Shabaab ayaa horay u dilay muwaadiniin Kenyan ka bar bar dagaalamayay, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen Sirdoonka Kenya.

Dilalka ka dhex dhaca Kooxda Alshabaab ayaa ah kuwa joogto, Waxayna marar badan dileen Horjoogayaal Soomaali iyo Ajanabi isugu jiray oo ka tirsanaa Kooxda, taasoo sababtay in qaar badan oo ka mid ahaa Horjoogayaashooda inay Naftooda la soo cararaan oo u soo galaan Dawladda Somalia.

W.Q: Cismad Ali Iidle

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.