Baarlamaanka oo laga yaabo inuu dib u celiyo Miisaaniyadda ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Somalia.

0

July 16 (Hornafrik)— Xildhibaanada Golaha shacabka ee Soomaaliya oo ka doodaya miisaaniyadda sanadka 2017 oo maalmo ka hor ay u soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa qarka u saaran inay dib u celiyaan  miisaaniyadda sanadkan 2017 oo ay ka harsan tahay 6- bilood.

Xildhibaanada ayaa doodo culus ka keenay miisaaniyada iyo qaabka loo dejiyay, iyagoo tilmaamay inay ku jiraan qaladaad iyo cadaalad daro, waxaana ay su’aalo adag ay ka weydiiyeen Wasiirka Maaliyadda.

Dooda ku saabsan miisaaniyadda oo maalintii labaad gashay ayaa marka la soo gaba gabeeyo lagu wadaa in cod loo qaado, waxaana laga cabsi qabaa in Baarlamaanka uu diido.

Arrimaha dooda ka taagan ayaa waxaa ka mid ah mushaarka Ciidamada ay qaadanayaan, waxaana bil kasta askariga u qoran lacag dhan $100 kaliya, taasoo Xildhibaanada ay sheegeen in aan la aqbali karin.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in askari qaadanaya $100 aanu Amni sugi karin, sidaas darteed ay doonayaan in mushaarka ciidamada la kordhiyo, isagoo xusay in shaqaalaha dowladda ay guryahooda ku qaataan lacag $1000, isla markaana askarigii ku sugnaa jiida dagaalka ee jiifay dhaxantana uu qaadanayo $100. iyadoo uusan Marna soo hadal qaadin Xildhibaan Xidig Lacagaha Faraha badan ee ay iska qaataan Xildhibaandda Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa muran ka keenay Qarashaadka loo qoondeeyay maamul goboleedyada dalka oo qeyb ka noqday miisaaniyada sanadkan ee dowladda Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay in dowladdu la wareegto ilaha dhaqaale ee ay leeyihiin sida garoomada iyo Dekedaha.

Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan cadaalad aheyn in maamul goboleedyada lacago aan isla sineyn la siiyo, iyadoo maamulka Puntland uu yahay kan ugu badan ee lacagaha loo qondeeyay qaadanayo oo gaaraya illaa afar milyan oo dollar, halka maamulka Hirshabelle uu yahay midka ugu yar ee qaadan doono lacag dhan todobo boqol oo kun.

Si kastaba ha ahaatee dooda Xildhibaanada ee miisaaniyada lixda bilood ee sanadkan ka harsan ayaa laga yaabaa inay sii socoto, lana soo gaba gabeeyo illaa maalinta berri.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.