Wasiirka Maaliyada oo Baarlamaanka ka hor qirtay inuu ka been sheegay Dakhliga Dawladda.

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Bayle oo Baarlamaanku ay Su’aalo ka waydiinayeen Miisaaniyadda Dawlada ayaa la waydiiyay waxa ka runa Shir Jaraaid oo uu horay ugu sheegay in 90% uu kordhay Dakhliga Dawladda. Wuxuuna Wasiirku ka hor qirtay Baarlamaanka in arrintaasi uu ka been sheegay, isagoo ku kaftamay in Warkaasi uu Saxaafadda siiyay isagoo faraxsan. Taasoo ku noqotay la yaab Xildhibaanadda Baarlamaanka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa mudooyinkan waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu ka dhex jiro Musuq Maasuq xoogan oo la tuhunsan yahay inay ku lug leeyahay Agaasimaha Waaxda Dakhliyadda ee Wasaaradda, Jacfar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.