Gaas oo ku eedeeyay Ganacsatadda Puntland inay taageeraan Alshabaab.

0

Garoowe (Hornafrik): Isagoo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Garoowe  Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Ganacsatada Magaalada Boosaaso ay la shaqeeyaan Dagaalamayaasha Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Cabdiweli Gaas in Ganacsatada Boosaaso qaarkood ay Canshuuro siiyaan Al Shabaab.

“ Ganacsatada sidaas sameyneysa oo Canshuuraha siiya Argagixisada waxba ma dhaamaan Al Shabaab” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Ganacsatada ay ka baqayaan Al Shabaab in ay dilaan , balse Maamulka Puntland xittaa aysan rumeysneen in uu xiri karo, taasina micnaheedu waxa ay ka dhigantahay in Ganacsatadaasi Al Shabaab la mid yihiin.

Sidoo kale Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin dambi ka weyn in Canshuurta la diido bixinteeda.

Inta badan Ganacstada Maamulka Puntland ayaa dhigayay maalmihii la soo dhaafay dibadbaxyo iyagoo xiray goobahooda Ganacsi , waxaana ay ka cabanayeen Canshuuro uu billaabay Maamulku in uu ka qaado Ganacstadaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.