Golaha Wasiiradda Somalia oo Maanta ku shiray Kismaayo, iyo Raiisulwasaaraha oo amray inay la kulmaan Wasiiradiisu dhigooda Jubaland

0

Shirka Golaha Wasiirada ayaa si rasmi ah uga  furmay  Guriga Martidda ee Magalada Kismaayo, iyadoo magaaldaasi ay ku suganyihiin R/wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo inta badan Golaha Wasiirrada.

 Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay shirka  maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Mudane C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay ahmiyada uu u leeyahay kulanka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha in lagu qabto Kismaayo ayaa sheegay in tani ay muujineyso midnimada iyo in dowladdu diyaar la tahay in shacabka la xisaabtamo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hor inta uusan furin shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa uu ku amray Wasiiradiisa inay la kulmaan dhiggooda Jubbaland, taasoo ah arrin layaab oo uu iskula meel dhigay Wasiiradii Qaranka iyo kuwii maamul goboleedyada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan uu hordhaca uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah uu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulanka goob joog ka ah, wuxuuna soo dhoweeyay in kulan ay wada qaataan Wasiirada labada dhinac,

Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, si loo dar dar geliyo shaqada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beryihii u dambeeyay waday olole ay shacabka ku kasbaneysay, iyadoo wali aanay ku guuleysan inay dib u soo celiso adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada ee 20-sano ka hor bur buray.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.