AMISOM oo sheegtay inay isku furayaan Degmooyinka Gobalka Hiiraan.

0

Taliyaha Ciidamada  AMISOM, Jen Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay inay dhowaan bilaabayaan howl gal la isugu furayo waddooyinka deegaanada gobolada dalka ee horay looga saaray Al-Shabaab.

Jen. Subagle oo ka hadlayay kulan tababar loogu furayay Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in xilligan 89% ay xor yihiin magaalooyinka gobolada dalka, hase ahaatee waddooyinkii isku xiri lahaa ay xiran yihiin.

“89 magaalooyinka waa xor, dariiqyadii isku xiri lahaa ayaa xiran, tusaale ahaan Jowhar iyo Jalalaqsi oo kale ma furna, Buulo Burde iyo Jalalaqsi sidoo kale, eedaas anaga qeyb ayaa ku leenahay umadda Soomaaliyeedna qeyb ayay ku leeyihiin”ayuu yiri Jen. Subagle.

“Waxaa la dagaalameynaa cadaw soomaali u eg, afsoomaali ku hadla, Soomaali inta badan u dhashay, dhulka jooga, waxaa kala saari la’nahay shacabka soomaaliyeed iyo alshabaab, waddooyinka la furayo intee qiimo naga joogan, safar kasta 20 qof hadaad dirto, waxaa suura gal ah 19 ayaa dirqi ku tagto deegaanka, marka amarka ceynkaas aad siineys nin ajnabi isagoo nool yimid, isagoo meydna la celinayo, dhibaato weyn ayay nagu heysaa, waa tan keentay 10 sano inaan joogno halkan, bal aan isku noqono, dagaalka anaga kaliya aan ku jirno ma ahan, shacabka waa inay gacan nagu siiyaan”ayuu yiri Jen. Subagle.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyagoo jidka u gala kolonyada ciidamada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.