Al-shabaab oo duleedka degmada Xudur ku dilay Ciidamo ka tirsan Dowlada.

0

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhabagal ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka baxay degmada xudur kuna sii jeeday saldhig ay ciidanka ku leeyihiin Duleedka degmada waxaana ka dhashay dhimasho.

Labo askari oo saarnaa mooto dhug dhuglay ayaa la sheegay in ay shabaab u galeen duleedka degmada waxayna halkaasi ku dileen labadii askari iyagoo ka qaatay hubkii ay wateen iyo qalab kale sida ay sheegeen odayaasha deegaanka.

Maamulka degmada xudur oo aan la hadalnay ayaa sheegay in uu jiro weerarkaasi balse waxay sheegeen in aysan wax faah faahin ah hada ka bixin karin.

Al-shabaab ayaa bartooda Internet-ka ku daabacay in ay dileen 2 ka mid ah ciidanka Soomaaliya ayna ka qaateen hub iyo qalab kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.