Xiisan xoogan oo wali ka taagan Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Puntland.

0

Xiisad ka dhalatay Canshuuro Xad dhaaf ah oo lagu soo rogay iyo Lacagta Shilin Soomaaliga ah ayaa ka taagan Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland. kadib markii ay Ganacsatadda Magaaladaasi Albaabadda isugu dhufteen Goobahoodii Ganacsi.
Maalintii 7-aad wax dhaq dhaqaaq ganacsi ah kama jiro magaalada dekadda leh ee Boosaaso waxaana xiran dhammaan suuqyada ganacsiga arrinkaasi oo saameyn daran ku reebay dadka danyarta ah.

Ganacsatada ayaa ka gadooday Canshuur aan xad leheyn oo maamulka ‘Puntland’  kusoo rogay dhammaan goobaha ganacsiga taasi oo keentay in ganacsatadu ay albaabada isugu laabaan goobaha ganacsiga. Waxaa sidoo kale Xiisadda qayb ka ah Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo Muddooyinkan laga diiday Goboladda Dhexe ee Somalia.

Xaaji Max’med Saciid oo katirsan guddiga ganacsatada Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in illaa Afar Canshuur ay bixiyaan balse aysan awoodin in ay bixiyaan lacag aan horay loo arag oo ganacsatada gobolka Bari la duldhigay.

‘’Ilaa Khamiistii aan soo dhaafnay suuqa waa uu xiran yahay, waadna ogtihii dhibaatada arintaa ay sababtay awalba dadka oo xaalad abaar ah isaga jiray, haddana in ay waayaan meel ay wax ka iibsadaan wa dhibaato’’ ayuu yiri Xaaji Maxamed Saciid.

Wuxuu sheegay in duruufo adag oo dhanka nolosha ah ay ku suganyihiin dadka xamaalatada ah ee noloshoodu ku tiirsaneed waxa ay si maalinle ah uga shaqeystaan suuqa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka ‘Puntland’ uu dukaan walbo dul dhigay lacag 20% ah oo ka baxsan tariifada badeecadaha dekadda ah, iyo sidoo kale canshuurta maalinlaha ah iyo midda billaha ah, taasoo ay ka gadoodeen Ganacsatadda Boosaaso.

Boosaaso waa magaalada ugu weyn ee dhacda gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. Waana Xarunta Ganacsiga ee Puntland iyo Goboladda Dhexe ee Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.