Maxaad ka ogtahay Qarashka ku baxaya Safarka Khayre ee Kismaayo iyo Shirka Wasiiradda ee Bari halkaasi lagu qabanayo,?

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Waxaana Wafdiga Raiisul Wasaaraha uga hortagay Garoonka Madaxwaynaha Jubba Land, Axmad Madoobe iyo Ku Xigeenadiisa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Khamiis ah shirkooda u horeeyay ku yeelanaya magaalada Kismaayo, sida uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Kismaayo uu yimaado, isla markaana uu ku shir guddoomiyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradiisa ee Kismaayo tagay, waxaana uu ku tilmaamay in Kismaayo lagu qabto shirka Golaha Wasiirada ay guul u tahay dadka Jubbaland, ayna qeyb ka tahay baahinta dowladnimada.

Illaa afar diyaaradood ayaa maanta Kismaayo u daabushay Golaha Wasiirada, Ilaalada mas’uuliyiinta Xukuumadda, Xogheynadooda, Fanaaniin iyo dad kale. iyadoo Shalayna ay Diyaarad kale gaysay Wafdi isugu jiray Xildhibaano iyo Saraakiil ka soo jeeda Deegaanka.

Dad badan ayaa soo dhoweeyay in Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku shiraan meel ka baxsan Caasimadda, hase ahaatee waxaa su’aal la gelinayaa qarashka ku baxaya wafdi intaas la eg, iyadoo miisaaniyadda dowladda ku ekeyd bishii tagtay ee June.

Safarkan ayeey ogaatay Hornafrik inay ku baxayso Adduun Dhan $700,000(Tobobo Boqol oo Kun oo Dollar), iyadoona Lacagtaasi laga bixiyay Bankiga Dhexe. kamana mid ahan Miisaaniyadda Xafiiska Raiisul Wasaaraha.

Dawladda Somalia oo horay u ballan qaaday inay la dagaamayso Musuqa ayeey dad badan is waydiinayaan Magaca ay u bixin doonto Lacagahan, iyo Sababta loola wadaagi waayay Shacabka Qarashaadka intan le’eg ee ku baxaya Safarkan IWM.

Shirka Golaha Wasiiradda ee Kismaayo ku qabsoomaya Bari marka loo eego Dhaqaalaha ku baxaya iyo waxa laga fili karo inuu ka soo baxo ma ahan wax isku dhigma, Mana ahan Shir leh Ajande Dawladeed ee waa mid un lagu muujinayo in Dawladdu ay ku shaqayn karto Magaalooyin kala duwan oo Dalka ah.

Xukuumadda waxay baajin kartay Qarashaadkan, waxayna ku qaban kartay Shirkan Magaalooyinka Afgooye iyo Jawhar oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele, iyadoo aysan ku bixin qarash intan le’eg. Waxaana la awooday in lagu tago Magaalooyinkan Gaadiid Dhulka ah.

Somalia oo ka mida Wadamadda ugu Faqiirsan Adduunka in Shir 1 Maalin ah oo aan muhiim ahayn lagu bixiyo Qarash intaas le’eg waxay ka bixinaysaa Dalka Muuqaal kale oo ah inuusan jirin isla xisaabtan Dawladeed, iyo beeqaamin Dhaqaale, iyadoona ay Dawladda Somalia ku tiirsan tahay Taageero Dhaqaale oo ay ka hesho Beesha Caalamka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.