Madaxwayne Farmaajo oo furay Kalfadhiga Aqalka Sare iyo Xiisadda u dhaxaysa Khaliijka oo saamaysay Furitaanka Kalfadhiga.

0

Muqdisho, 12 July: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ugu baaqay mudanayaasha in ay ka mari dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Madaxwaynaha iyo Gud Aqalka Sare.

Madaxwaynu waxa uu tilmaamay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.

“Waxaa tihiin rajadii Soomaaliya ka saari lahayd jahwareerka siyaasadeed, waxaana la idinka fadhiyaa inaad dhidibada u aastaan dowladnimada, dalkana ka hirgelisaan dheeli-tir iyo xasillooni siyaasadeed.”

“Waa in Labada Aqal ay ka wada shaqeeyaan sida danta qaranku ku jirto oo meel iska dhignaa danaha qofeed, kooxeed ama beeleed, waana inay ka odayeeyaan hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.”

Madaxaweynaha oo ay dhinacyadda ka taagan yihiin Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha oo dhinacyadda ka taagan yihiin Gudoomiyayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Safiiradda Wadamadda Xulufudadda ah ee Turky iyo Qadar ayaa iyaguna ka soo qayb galay Furitaanka Kalfadhiga Aqalka Sare ee Somalia.

Abshir Bukhari oo ay dhinacyadda ka taagan yihiin Safiiradda Qadar iyo Turky

Diblomaasiyiinta Safaaradda Imaaraadka oo lagu casuumay Furitaanka Kalfadhigan ayaa ka baaqsaday iyagoo aan soo bixin wax cudur daar ah. Waxayna Hornafrik ogaatay in Sababta ay uga baaqsadeen ay ahayd. kadib markii ay ka war heleen in Safiiradda Qadar iyo Turky lagu casuumay Shirka.

Somalia ayaa u muuqata inay ku sii dhex milmayso Khilaafka Wadamada Khaliijka.

Xubnaha Aqalka Sare

 

Xubnaha Aqalka Sare oo dhagaysanaya Khudbadda Madaxwaynaha

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.