Maamulka Gobolka Banaadir oo ka laabtay amarkii ahaa in lacag la’aan lagu galo Beerta Nabada

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka laabtay amarkii uu dhowaan soo saaray ahaa in lacag la’aan lagu galo Beerta Nabada oo ah goob loo damaashaad tago.

Amarkan ayaa muran iyo buuq ka dhex dhaliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada Beerta Nabada maalgashatay, iyagoo ku gacan seyray.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, Maluuka Xaaji Dheere ayaa saxaafada u sheegtay in laga laabtay amarkii hore u soo baxay, isla markaana Maamulka Gobolka iyo Ganacsatada Beerta ay kulan yeesheen.

“Markii aan falanqeynay waxyaabaha ku saabsan qiimaha lagu galo beerta waxaa isla galaran in beerta shaqadeeda ku soo noqoto, in wixii hada ka dambeeya dadka laga qaado $1, si qof kasta oo muwaadin ah uu ugu nasto beerta”ayay tiri Maluuka Xaaji Dheere.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in dadka da’da ah iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ay beerta ku soo gali karaan lacag la’aan.

Waxaa ay sheegtay in sidoo kale Ganacsatada beerta ay isku afgarteen in Ciidaha iyo Maalmaha kale laga qaado Dadwaynaha Lacago Isku mid ah. waxayna intaa ku dartay in Caruurta iyo Dadka kale si isku Mid ah iyagana looga qaadayo 1 Dollar.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maamulka Gobolka Banaadir uu soo saaray amar lagu joojinayo lacagaha lagu galo beerta, waxaana tani buuq iyo khilaaf ka dhex dhaliyay Maamulka Gobolka iyo Ganacsatada, iyadoo Ganacsatada ku hanjabeen inay dacwad la tiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Beerta Nabada oo ku taal dhabarka dambe ee Taaladii SYL iyo nawaaxiga Boosteejadii ceel gaabta ayaa ka mid ah dhulalka danta guud oo la siiyay Ganacsato maalgashatay, waxaana bixiyay maamulkii hore ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amaro uu dhowaan soo saaray aanu dhaqan gelin, sida amarkii ay Gaadiidka AMISOM kaga joojiyeen Wadada Maka Al-Mukarama inay isticmaalaan 6-da subaxnimo illaa habeenkii Saqda Dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.