YOW GAR NAQI DOONA? Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faar

0

1. Ga’da maanso, geeraarya gabay, gebigeed suugaanba

2. Giraantii murtida waayadaan, gaalibkeed dhigaye

3. Mana gabin Galayroow sidii, gaanyagoo kale’e

4. Anigaa guddoonsaday inaan, gaawaheed dhigo’e

5. Ha yeeshee, go’aannada adduun, gelinle weeyaane

6. Gondodhaladka taladuna marbuu, ku la gudboonaane

7. Caawana waxbey gujinayee, balaan gamuuneeyo.

8. Sidii nimuu walaalkii go’oo, gacan u geeryooday

9. Oo aan godkii iilka iyo, weli xabaal gelinnin

10. Oo gabannadii uu ka tegay, goohayaan guriga

11. Oo murug il gabadleynayoo, gibil madoobaaday

12. Giddi xalay hurdada gama’ ma siin, jiifka gogoleede!

13. Sidii geesi geeluu lahaa, galabta duul qaaday

14. Oo gole bannaan taaganiyo, xero gabaahiir ah

15. Oo gurbod yaruu dhalay haddana, gaajo ku la ooyey

16. Oo laabtu guuraadegtaye, ciil gubgubanaaya

17. Giddi xalay hurdada gama’ ma siin, jiifka gogoleede!

18. Sidii oday gablama oo cimrigu, boqolki uu gaaray

19. Oo aan gacal walaal iyo lahayn, cidu gargaaraysa

20. Oo gubad cidlaa yuurariyo, geeri go’an meel ah

21. Oo gabbal u dumay ee indhaha, guluc ka siinaaya

22. Giddi xalay hurdada gama’ ma siin, jiifka gogoleede!

23. Sidii janan guhaad caro gashoo, ficilo ay gaartay

24. Oo guluf colaad iyo dagaal, gari ka geyn weysey

25. Oo gaasya guutiyo bilgayr, heegan guud geliyey

26. Oo gelin dhexaadkii habeen, guure kicinaaya

27. Giddi xalay hurdada gama’ ma siin, jiifka gogoleede!

28. Afartaas ga’dii ararta iyo, gaafki maansada dheh

29. Baddoo guuxdey, mowjado gurxamay, giririgtoodii dheh

30. Gu’ onkoday, daruur goodatiyo, galangal dayreed dheh

31. Webigii Ganaanoo gudbiyo, gacamadii Luuq dheh

32. Gun iyo baar middii aan guntiyo, garashadeydii dheh

33. Afar kalena guulkiyo halkaan, geeddigow ahay dheh.

34. Xaajadii gurrucan ee in badan, kugu gulaalaata

35. Mar haddaad garkaa iyo garkaa, gees u bixin weyso

36. Waxaa talada loo guuriyaa, Gacal aqooneede

37. Anna gocashadeydee wixii, gubaya uurkeeyga

38. Bal inaan garawshiyo u helo, ii gurmada maanta.

39. Guubaabo shacab aan dirtiyo, qaylodhaan gudubta

40. Gebigeedna Soomaali aan, guudka kaga tuuro

41. Inta ugu garaad badanna aan, gooni ugu baaqo

42. Waddaniga gedoodkaana aan, gaar wax ugu sheego

43. Gudban dhiriran aan dhigo dad weys, gedo ogaadaaye.

44. Galiilyada waxaa iigu wacan, gama’na ii diidey

45. Oo aan la golongolay haddaan, idin garwaaqsiiyo

46. Godeey iyo Galbeedkaa Wardheer, Saylac guradeeda

47. Gebileey goshaas Awdal iyo guban ilaa xeebta

48. Gobollada Hargeysiyo Berbera, Garawga Oodweeyne

49. Godka Caynabood Goolis iyo, gudaha Laascaano

50. Galdogob iyo Garoowiyo docdaas, Garacad meesheeda

51. Gaalkacyiyo Gelliinsoor Gidheys, gawga Xarardheere

52. Gallaaddiyo gasada Caabudwaaq, dhinaca Goohweyne

53. Galgaduudya Ceelbuur Gorfiyo, Garabladaa hoose

54. Galhareeri Gadoon iyo Hobyiyo Bulacle gaarkiisa

55. Guriceel xaggaa Girijir iyo, godinka Shiilaabo

56. Goowraar Hiiraan iyo Gabbuun, Webiga gaankiisa

57. Garasyaani gaahiga Warshiikh gudubsintaa Jowhar

58. Guri Xamarya, Gaashaandhiggii, Xarunti gaadiidka

59. Gabaaddaas Markiyo Goofgaduud, gegeda Ceeljaalle

60. Gudda Baay, gabiibtaa Bakool, Waajid garabkeeda

61. Goobweyn Kismaayiyo gadaal, Jilib gureydkeeda

62. Gaafka Raas gambooniyo Kudhaa, gebiyadaa Dhoobley

63. Garbahaarrey Luuq iyo Gediyo, geeska Beledxaawo

64. Ganaaniyo toggii Goobbo iyo gacamadii Dooloow

65. Gaarisiyo Gelgelintaa Wajeer, Gerileey geed Waamo

66. Gun iyo baar ka gees iyo ka gees, geyiga Soomaali

67. Guudahaanba cadaw baa gudaya, oo dhexgaardiya’e

68. Goob kastana aan joogne dadyohow, gebi ahaanteenba

69. Waxaan nahay dad GAALIYO ISLAAM, wada gumaystaane

70. Waxaan nahay dad ay kala gurteen, reer galbeedyaduye

71. Waxaan nahay gulaamadii Carbed, dadey ku goobtaane

72. Waxaan nahay dad loo geesaxiray, IGAD gaboodleeye

73. Waxaan nahay dad gaagaab xun iyo, guni rifeeysaaye

74. Ha, yeeshee, mahmaah guunabaa, waxay gorfeyneysey

75. Geedaha ayaa godin ku yiri, guudmar hadal gaaban

76. Gabalkeen haddii aadan wadan, na ma aad gooyseene

77. Gurmo jaridda waxaa noogu wacan, daabka Gumareed

78. Gundhigeda mahmaah geedihiyo, godinta howsheeda

79. Waxaan uga golleeyahay markaan, idin garwaaqsiiyo

80. Gumeystuhu haddii aanuu barkeen, soo gabraar wadanin

81. Ama uusan gocortuu tabcaday, daba gurguureeynin

82. Waddankeenna soo ma uu galeen, mana dhex goosheene

83. Markay dowladnimo gaagaxdaye, qaranki guulaabey

84. Oo ay midnimo gabawartee, wadajir geeryoodey

85. Oo aan gantaalaha qarxiyo, gumuc isweydaarney

86. Oo aan wanaag garab marnaye, xumo u guureeynay

87. Oo aannu ka la goosannaye, ka la galliin weeyney

88. Gondalooladeennii kufrigu, aragyey goortaase

89. Dabadeed hamuun golongolkii, soo galgalateeye

90. Markii xigayna gowsaha la gaar, Gaaddaduu rabaye

91. Dabadeedna guuleysayoo, guday dantiisiiye.

92. Afartaas intaan ga’da ka deyey, gobob ma faallooday

93. Ma godladey, sidii geydho geel, gaaxdii igu raagtey

94. Godkii laga qaniiniyo wixii, wada galaaftoo dhan

95. Gaabshoogwa iyo gaasirkaan, soo gudbin aqoone

96. Halkii na la ka galay iyo dakano, meydin garansiiyey

97. Gig ma siiyey nacabkeennu suu, noo gabaanadayo

98. Afar kalena geeddiga labaad, balaan u sii guuro.

99. Garwaynaha libaax iyo shabeel, haramcas guuxaysa

100. Dhurwaa guuna, weer gaarufliyo, yeey gomodo wiiqan

101. Gaduudaniyo, golmadow dawoco, gaadiddiyo gulufto

102. Anigoon intaan gees ka maro, aan gabsas eryoonin

103. Mas galaalan, good iyo abees, miciyo gaaleef leh

104. Abris gabana, jilbis geesaliyo, weliba goodaaddo

105. Giddi halaq gurguurtiyo intaan, goosatada daayo

106. Gugumiyo anoon gaad la korin, Garaddax suuxaanyo

107. Gorgor iyo galayriyo dafiyo, guduri gaashgaashle

108. Coomaadiga gafleeyoo laliyo, baqalyo geed fuusha

109. Jirri naasa ganadiyo intaan, gaawisada daayo

110. Anigoon guluubada ku shidin, habisya guumayska

111. Gammaan geenyo guudaan ku dhacay, iyo garaabiido

112. Anigoon dameeraha ka gubin, ama ka geed saarin

113. Amaan maqashuu geel laayey aan, garo ku eedeynin

114. Inta gunudda murti gaamurtiyo, guddi abwaanoo dhan

115. Aan su’aalo goosgoos ahoo, garangar duuduuban

116. Ku gantaalo gebigood iyagaan, iga godaadeeyne

117. Galayr1 iyo Bashiir2 iyo Cabdiyo3, Hodonna4 gaarsiiyo

118. Dabadeedna aan gebagebada, gobo’da weeydiiyo.

119. Dad ILAAH galladay oo gunniyo, Guunyo ugu deeqay

120. Oo khayraadka guud iyo mid gaar, buuxo gurigooda

121. Oo aan dalagga goonyaha ka yaal, guran karayn waana

122. Oo gacan u hoorsaday dhiggood, ama gargaar haybsan

123. Oo adduunka ugu gaajo badan, waa gurrucan yaabe!

124. Ha yeeshee, gabyaayoow waxaa, iga su’aal guud ah

125. Geyigaan badwayn dhinac gudbani, hirar gufaacayso

126. Geyigaan goshaas iyo goshaan, webigu gaandaatay

127. Geyigaan shidaal gaas badrool, goob kastaba buuxo

128. Geyigaan macdanta guunsigiyo, dahabku guudyaallo

129. Geyigaan barwaaqada goglani, ay is garabtaallo

130. Iyo ummaddan baahida gagabi, yow garniqidoona?.

131. Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

132. Gumaystahan gurguuranahayee, soo guntiya xaytay

133. Oo galalaf duullaanka ba’an, gaatin soconaaya

134. Oo dhagarta gibil aasantaa, soo gamaamudaya

135. Oo giniga lacageed watiyo, gumaca maadhiinka

136. Oo gargaarka geerida baxshiyo, deeqda ka la gaynta

137. Oo guuguulayaashuu tabcaday, daba guclaynaaya

138. Oo gulaanka gebi laactankaa, bari gantaalahaya

139. Iyo ummaddan garaad laawahaa, yow garniqidoona?!

140. Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

141. Gunnimadan gabowdaye in badan, soo galgalanaysay

142. Gunnimadaan guryaha yeelatiyo, goobta iyo meesha

143. Gunnimadaan qabiillada goglane, galangalceynaysa

144. Gunnimadaan gu’yaal iyo gu’yaal, guudka loo dabayo

145. Oo gucundhadeedii ilmaha, loo gardaadinayo

146. Oo gurmadku soo gaarayiyo, Geyshashka ilaalsha

147. Iyo gobannimada, gacal waytadaa, yow garniqidoona?!

148. Su’aal kale haddaan guda galoon, taa ka daba geeyo

149. Dad hadduu giriif iyo afxumo, muramo guunaaso

150. Guubaabiyo galaayuusna uu, guuxu damin waayo

151. Gabgabiyo hadduu gooddis badan, uu is ku guulguulo

152. Gigta weerar haddii goor barqadi, lays ku gacanqaado

153. Haddii maydka goobtaa la waro, dhiigna galacleeyo

154. Garcaddaa waxgarad baa jiriyo, guurti loo diro’e

155. Gelbis wadajir, gole lagu ballamo, ged shirbaa xigaye

156. Garsoor iyo guddoon baa xigiyo, gunu’ la baaraaye

157. Ganaax iyo garaawshaa xigiyo, xugun la gaaraaye

158. Geel iyo gamaan baa jiriyo, gunud la dhiibaaye

159. Gudobreeb kaleetaa xigiyo, gabar la raacshaaye

160. Sidaasbaa go’aan nabadgelyale, loogu goynjiraye

161. Halkey galabta joogtana arrini, wan gunda ognahaye

162. Guddigaan gartii loo igmaday, gowska dhaafsanaya

163. Guddigaan xaqiiqada golmaray, ee guntiga raacay

164. Guddigaan dulmiga sii guntaye, godobta sii beeray

165. Guddigaan middii lagu go’iyo, geerida horseeday

166. Guddigaan garsoorkii dafiray, ee af garan waayey

167. Guddigaan gabgablaynayee, gebida laacaya

168. Iyo labadan garab ee isdilay, yow gar niqidoona?!

168. Iyo labadan garab ee isdilay, yow gar niqidoona?!

169. Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

170. Diinteenan gaarkaa ninkii, EEBBE uu geliyey

171. Geddigeedba yuu barane kii, AAYAD garanaaya

172. Muslim goytadiis iyo xumaan, u ma gucleeyeene

173. Halkey galabta joogtana arrini, wan gunda ognahaye

174. Anigoo ka gaardhigay intii, xaq u gargaareysa

175. Wadaaddadan qilaaf gaardiyee, midiba geed waabtay

176. Wadaaddadan kitaabbada gembidey, ee ra’yiga goohay

177. Wadaaddadan sidii kooro geel, ka la cod geeraaray

178. Wadaaddadan dadkii ganahayee, dhiigga gacamaystay

179. Iyo caammadeey ka la gurteen, yow gar niqidoona?!

180. Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

181. Aqonyahanka guudee naxliga, goor walba abuura

182. Oo qalinka kugo goynayee, kugu gumaadahaya

183. Oo dantiisa geed waabayee, cid u gargaanaynin

184. Oo dibadda gaaf meerayee, gelinba meel jooga

185. Iyo duulkan garashada bidaya, yow garniqidoona?!

186. Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

187. Beentaan gardhaladkaa misana, gaamurtee taranta

188. Beentaan gacmaha lagu sidee, dunida gooshaysa

189. Beentaan garbaha yeelatiyo, gulufka taageera

190. Beentaan la ka la ganacsadee, ruux walbaa gadayo

191. iyo runta goroftay, ee aan wax goyn, yow garniqidoona?! 192. Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

193. Dulmigaan ka goor iyo ka goor, la la guclaynaayo

194. Dulmigaan ka gees iyo ka gees, uunka ka la gaaray

195. Dulmigaan la goobgeynayee, loo gurbaan tumayo

196. Dulmigaan garaaddaha toshaye, lulaya gashaanta

197. Iyo daacaddaan gabawarkaa, yow garniqidoona?!

198. Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

199. Awrka geel haddii xoogga galay, garasho loo raacsho

200. Dacay lagu ma gooyeen hoggaan, la ma garjiideene

201. Aadmigu rar u ma giijiseen, ku mana guurteene

202. Gaadiid ILAAHEEY hayimey, weeye garawaantu!

203. Shacabkaan hoggaamiye gendigu, ka la gidaar ootay

204. Shacabkaan rag tooda u guntaday, gebi ka lalaadshay

205. Shacabkaan siyaasigu gataye, xaday garaadkooda

206. Shacabkaan sidii goosan ari, loo gaboodahayo

207. Shacabkaan la gaargaabiyee, beladu goobyaalin

208. Shacabkaan gumaadkiyo dilkiyo, dulumka loo geysto

209. Shacabkaan u sii godanhayee, aan ka gubanaynin

210. Shacabkaan god dheer looga riday, talo inuu goosto

211. Hadduu caro guhaadoon lahaa, daqar ma gaareene

212. Shacabkiyo xaqay gudan la’yihiin, yow garniqidoona?

213. Waxaan uga golleeyahay murtida, aan gunaanado’e

214. Garbo siman dhaliilahan godgodan, ee geyiga yaalla

215. Oo waagii gaduutaba mid kale, dib ugu guureeyno

216. Halka ay ka gunud laabantahay, lays ma gelinsiine

217. Shacabkiyo hoggaamiye gendiga, kii gardaran sheega?

218. Waxba gabagu yuu i la galbane, waxaan ku soo gooyey

219. War googgaalihii badey talana, waa gardaad xirane

220. Rajadaan gu’yaal sugan jirnana, soo gabaabsidaye

221. Waxa na loo garraariyeyna waa, goroftii ceebeede

222. Haddaynaan gilgilanoo midnimo, maanta wada goobin

223. Oo aannan gobol ka la jarkiyo, diidin ka la guurka

224. Oo dibadda waa lagu go’ee, geyiga loo laaban

225. Oo gaalaas waddani aan la baran, guulna laga gaarin

226. Oo qaranku guux ku ma dhismee, garab la taageerin

227. War waa na la garwaansanahayaa, sida gamaan awre

228. Intay goori goor tahay waqtina, geeso kale yeelan

229. Oo aanan godad kale ku dhicin, gebina laaclaacin

230. War aan yeelno waxa na la gudboon, la ina ka la geeye. Dhammaad.

Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.