Xog: Maxaa ka soo baxay Kulankii u dhaxeeyay Raiisul Wasaare Khayre iyo Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,?

0

Guddiyadda Joogtadda ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa u yeeray Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre si ay u su’aalo uga waydiiyaan eedaymo la xiriira in Xukuumadda ay abaabulayso Kacdoon Shacab oo ka dhan ah Xildhibaanadda si qatar loo galiyo Noloshooda, iyo Inuu u sacbiyay Sh Nuur Baaruud Gurxan markii uu ku dhawaaqay Hadalo u muuqday Kicin Bulsho, Isla markaana uu Khudbadiisa ku taageeray Hadallada Shiiqa.

Guddiyadda Baarlamaanka waxay sidoo kale wax ka waydiiyeen Khayre in Xukuumadda uu hogaaminayo ay waddo Olole lagu dacaayadaynayo Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia, iyada oo loo marayo Baraha Bulshadda iyo Warbaahinta, Isla markaana la buun buuninayo Mooshin aan la keenin Baarlamaanka. Waxayna Guddiyaddu dhamaan eedaymahan ka dalbadeen inuu ka jawaabo Khayre.

Guddoonka Baarlamaanka Somalia waxay iyana dhinacooda ka dalbadeen in Raiisul Wasaare Khayre uu cudur daar ka bixiyo Khudbadiisii uu ku taageeray Hadaladda Sh Nuur Baaruud, iyo Sacabkii uu ku taageeray markii uu ku dhawaaqayay Erayo lid ku ah Baarlamaanka Shaqooyinkooda.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa u sheegay Guddiyadda Joogtadda ah ee Baarlamaanka Somalia inuu ka xun yahay wixii dhacay, Isla markaana aysan Ujeedadiisu ahayd in qatar la galiyo Ammaanka Xildhibaanadda. Wuxuuna iska fogeeyay inuu jiro Abaabul ay Xukuumaddu ugu jirto in qal qal la galiyo Baarlamaanka, taasoo uu sheegay inay wadaan Dad leh Dano gaar ah oo doonaya inay iska hor keenaan Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Khayre waxa uu sidoo kale ballan qaaday inuu Jawaab Qoraal ah oo ku aadan Eedaymaha loo haysto u soo gudbin doono Baarlamaanka Somalia, taasoo ay ku jirto Raali galin uu ka bixin doono Qaladaadkii ka dhacay isaga Shaqsiyan markii uu u sacbiyay Sh Nuur Baaruud, iyo Khudbadiisa Erayo ka mid ahaa oo u muuqday inuu la dhacsan yahay Kacdoonka uu iclaamiyay Sh Nuur Baaruud.

Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia ayaa Maalmahan Cabasho xooggan ka keenay Abaabulo aan Muuqan oo ay ku sheegeen in la isaga hor keenayo Baarlamaanka iyo Shacabka, Halka Xukuumaddana ay cabasho ka muujinaysan Mooshin isna aan Muuqan oo la doonayo in laga keeno Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Khayre.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.