Washingtonpost: Maraykanku waxay sii kordhiyeen Weeraradooda ka dhanka ah Argagixisadda Somalia.

0

14-kii June ee sanadkan, Kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab oo ah farac ka mid ah Al-Qaacidda waxay weerartay maqaayad ku taalla magaalada Muqdisho. iyagoo ku qarxiyey gaari miineysan ka dibna u diray weerar yahano hubeysan. In ka badan 30 ruux ayaa lagu dilay. Mar waqtigaas ka sii horeysay oo isla June ah, Al-Shabaab waxay cagta marisay saldhig military oo ku yaalla deegaanada Puntland, Waxayna halkaas ku dileen tobanaan askari.

Kooxdu waxay dhawaan ka saramartay Boko-Haram oo ahayd kooxda ugu dilka badan Africa.

Laakiin rabshadaha iyo dagaaladu ma ahan waxa soo jeedinaya taageerayaasha. Baaritaanadeydii ugu dambeeyey ee aan ka sameeyey Kenya iyo Soomaaliya oo ah labada wadan ee ay ku xoogan tahay Al-Shabaab marka laga hadlayo bariga Africa, waxay tilmaameysaa in Al-Shabaab ay sii kobceyso, sababtoo ah weli waxay bixisaa Adeegyo ka fiican, kana soo jiidasho badan midka ay bixiso dowlada Soomaaliya, Waxay ka faa’ideysataa cabashada iyo dulmiga ka jira meelaha qaar, waxay Amni kusoo dabaashaa dhulka ay ka taliso, sidoo kalena xalisaa khilaafaadyada, Iyadoo uusan jirin wax Musuq Maasuq ah. Taasi waa arrin soo jiidasho leh marka laga hadlayo deegaanada aanu hormarada ka jirin iyo kuwa fog-fog ee ay dayacday dowlada Somalia.

Doorka Maraykanka:
Dowlada Mareykanka waxay kordhineysay joogitaankeeda Military, siina balaarineysay xeerarka dagaalka ay kaga jirto Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab.
11-kii June, Mareykanka wuxuu fuliyey weerarkii ugu horeeyey iyagoo ku shaqeynaya xeerarkan cusub, waxayna burburiyeen xarun tababar iyo talis u ahayd Al-Shabaab, ka dibna 2-dii bishii July waxay fuliyeen weerar labaad, iyo mid saddexaad oo ay fuliyeen afartii July. Bishii Maarso, Isagoo fulinaya baraarujin kaga timid waaxda difaaca, wuxuu maamulka Trump u aqoonsaday Soomaaliya “Aag Dagaal” kaas oo Mareykanka u ogolaanaya in ay fuliyaan weeraro aanan u baahneyn ka fiirsasho dheeraad ah.

Intee Bey Gaarsiisan Tahay Awoodda Al-Shabaab?

Marka loo eego dadka qaar, Al-shabaab waxay u muuqataa in la wiiqay, ma maamusho magaalooyin waaweyn ama Dekado, Mana lahan awooddii Military ee ay ku soo ceshan lahayd, khasaarahaas wuxuu ka fogeeyey in ay hesho dhaqaale. Intaas waxaa sii dheer, ficil caalami ah oo yareeyey faa’idadii Al-Shabaab ay ka heli jirtay badeecooyinka iyo alaabaha sida dhuxusha.

Al-Shabaab oo waqti ay ku soo qulquli jireen dagaalyahano ka soo kala jeeda dunida dacaladeeda, waxay hadda ciidameysaa dagaalyahanada Ajaanibta ah ee ka soo jeeda gobolka, Dagaalyahanada shisheeye kama muuqdaan xilalka sare ee kooxda.

Al-Shabaab weerar argigixiso oo weyn kama fulin meel ka baxsan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2015-ka.

Laakiin Al-Shabaab waxay lasoo baxday awood cajiib ah oo ay kula qabsatay waaqica oo Aanan ahayn kaliya mid ay ku bad-baadeyso, balse waa mid ay ku sii kobceyso. Dhul ahaaan waxaa cadaadiyey AMISOM. Laakiin waxay cagta marisay qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada AMISOM, Iyagoo dilay, sidoo kalena dhaawacay tobaneeyo askar ah, sidoo kalena qabsaday hub, iyo gaadiid military.

Maleeshiyadda Kooxdu waa kuwa u dhisan koox-koox balse waxay awoodaan in ay isku soo uruuriyaan cutubyo badan si ay weeraro u qaadaan.

Intaas waxaa sii dheer, Kooxda Amniyaadka ee Al-Shabaab ee loo yaqaano waxay carqaladeeyaan nolosha magaalada caasimada ah. iyagoo adeegsanaya qaraxyo, Dilal, iyo weeraro bartilmaameedyo ah.

Midowga Afrika:

Inkastoo ay dayaceen mas’uuliyadii ka saarneyd Dhismaha Ciidamada Amaanka Soomaaliya, haddana Wuxuuu ciidanka midowga Africa u joogaa halkaas in uu taageero dowlada cusub ee Soomaaliya ee ku guuleysatay doorasho qaran oo dhacday Bishii Feberaayo. iyagoona illaalinaya Xarumaha Muhiimka ah ee Dawladda, sidoo kalana Fariisimo ka samaystay Goobo Istaraaji ah oo ku kala yaala Muqdisho iyo Goboladda Dalka.

Sidee bey weeraradan wax iska caadi ah kaga noqdeen magaalada?

Dabcan aad bey joogto u noqdeen, dadkuna ula qabsadeen ilaa ay gaartay in hal qof oo aan ku wareystay Muqdisho uu qarax maalintaas ka hor dhacay iigu sifeeyey sida Music Somali oo kale.

Waa sidee Joogitaanka kooxda ee Kenya?

waa run in Al-Shabaab aysan Kenya ka fulin wax weerar ah oo la mid ah weeraradii Westgate iyo Garissa tan iyo sanadkii 2015-ka, Laakiin bishii la soo dhaafay, waxay kooxdu weeraro loo adeegsaday qaraxyo miino ka fulisay gobolka waqooyi-bari ee NFD iyo dhulka xeebta, waxay isku dayeysaa in ay sii huriso amni darrada, siina ballaariso kala qeybinta bulshada todobaadyo ka hor inta aanan la gaarin doorashada Kenya, xilligaas oo ah waqti xiisaduhu kacsan yihiin, ayna jiraan walaacyo sii xoogeystay oo ku saabsan suuragalnimada in ay dhacaan rabshado la xiriira doorashooyinka.

Maamulada Al-Shabaab Waa Dowlad Hoose Oo Waxtar Leh.

Al-Shabaab waxay si xirfad leh u maamushaa dhaq-dhaqaaqyada qabaa’il, waxayna bixisaa adeegyada aasaasiga ah taas oo ka dhigtay mid nufuud iyo awood siyaasadeed ku leh guud ahaan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan tuulooyinka, halkaas oo dadka deegaanku aanay ku kalsooneyn dowlada weli fadhiidka ah. Taasi waa inta aan ogaaday intii aan ku gudajiray baaritaankan, anigoo sidoo kalena wareysiyo kala duwan ka sameeyey Kenya iyo Soomaaliya Bilihii January, May iyo June ee sanadkan.

Maleeshiyaad Al Shabaab katirsan iyo dad shacab ah oo Ku dabaaldegaya magaalada Jilib/25 June,217

            Ammaanka:

Al-Shabaab waxay bixisaa adeegyo aysan weli sameynin dowlada Soomaaliya kuwaas oo ay siiso qabaa’illada aanan kalsoonida ku qabin dowlada ama laga saaray hanaanka siyaasadeed ee liita ee wadanka. Al-Shabaab waxay amni ku soo dabaashaa deegaanada ay awoodda ku leedahay. Waxay howlgelisaa Maxkamado ay ku jiraan kuwa loo yaqaano “Maxkamadaha Wareega” si loola dagaalamo dambiyada, loona xaliyo muranada u dhexeeya dadka. Taasi waxay muhiimad gaar ah u leedahay deegaanada ay ka jiraan colaadaha sokeeye, si gaar ah muranada ku saleysan dhulka, waxayna u xaliyaan habab waxtar leh marka laga reebo rabshadaha.

Xilli warbaahinadu ay diiradda saarayaan ciqaabaadka ad-adag ee Shareecada ee ay fuliso Al-Shabaab, qaar kale oo ka mid ah dadka Soomaalida waxay raadsadaan maxkamadaha Al-Shabaab, iyagoo maanka ku haya in ay ka heli doonaan xukun dhameystiran, oo ay awood ku dhaqan gelin doonaan.

           Canshuur:

Al-Shabaab waxay leedahay nidaam canshuur oo  uusan qofna ka hor imaan Karin xitaa kuwa ku nool meel inta dhagax la tuuro u jirta saldhigyada AMISOM sida uu tilmaamay qof aan wareystay. Taas oo kooxda soo gelineysa dakhli joogta ah oo aan dhammaad lahayn. Intaas waxaa sii dheer, Al-Shabaab waa koox leh Nidaam adag oo Musuq aan lahayn. Waxaad taasi si cad kaga arki kartaa wadooyinka ay maamusho, halkaas oo ay ku leedahay bar Koontaroolo lagu qaado lacagaha, rakaabka ku siiyaan boonooyin, kuna ilaaliyaan amniga wadooyinka. iyadoona taasi  kaga duwan  kuwa kale, oo ay ku jiraan wadooyinka ay maamulaan ciidamada dowlada, kuwaas oo caan ku ah baadda iyo kufsiga -oo labaduba leh cawaaqib dhaqaale iyo mid nabadgalyo- sida aan dhowr jeer ka maqlay dad muwaadiniin ah, ganacsato, shaqaalaha gargaarkuna ku waafaqeen.

Al-Shabaab waxay iska dhigtay difaacaha u taagan qabaa’illada la takooray iyo kuwa hoos loo dhigay, Iyagoo si waaya-aragnimo leh u daaweynaya, ugana faa’ideysanaya dulmiga iyo cabashooyinka qabaa’ilka iyo bulshada si ay u kasbadaan taageero ay ka mid tahay uruurinta  maleeshiyaad ka soo horjeeda dowlada.

Xogta:

Inta badan dagaalyahanada laga qabto kooxda ma bixin karaan macluumaad badan oo ka baxsan mas’uuliyadda kooban ee ay hayeen. Qof walibana wuxuu maanka ku hayaa in Al-Shabaab ay si naxariis-daro ah u beegsado kuwa ka baxsada safkooda ee ku biira dowlada iyo kuwa jawaasiista ah.

Gunaanad

Al-Shabaab waxay raadisaa qaabab ay kaga faa’ideysato meelaha ay dayacday dowlada, waxayna heysataa awood Military iyo  mid mabda’eed oo dhaafsiisan meelaha ay maamulaan. Waxay noqotay badiilka la wareegay booskii iyo doorkii dowlada Soomaaliya. Ma lagu jabin doono awood military oo kaliya, Qorshaha dib u habeynta ah ee ay la timid dowlada Soomaaliyana wuxuu u muuqdaa mid waqtigiisa ka soo dib dhacay.

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waxaa lagu Update gareeyey macluumaadka ku saabsan weerarkii 3aad ee Mareykanka ee dhacay 4-tii July iyo taariikhda saxda ah ee weerarkii labaad oo ahaa 2-dii July.

W.Q:- Tricia Bacon, oo ah Professor Caawiye ka ah Jaamacada Mareykanka, horayna u ahayd falanqeeya arimaha argigixisada u qaabilsanaa Xafiiska sirdoonka iyo baaritaanada ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.