Shiikh Nuuroow “Ninweyn waligiiba Cidi Doqomeed ayaa ku taala”.

0

Ma jecli gardarada iyo xad gudubka, mala’awaalkna kama helo, ileen Cadaaladaba salka kuma hayo’e, sidaa waxaan u iri Sadaxdi maalin ee la soo dhafaay waxa Dhagaha la hayay oo dad badani ka raaraceen Wadaadka la yiraahdo Shiikh Nuur Baruud Gurxan, Qolaa la heyd wa WAHAABI, haba iska ahaadee Wahabinimadiisu culeys iguma heyn anigee waxaan arkay kuwa kale oo leh waaba ARAGAGIXISO, Eraygani marka uu dhagteyda soo gaaray waan baqay walibana aad ayaan u argagaxay, waxaa niyada iga soo gashay war ma ninki dhamaa ee lacagihii Abaaraha iyo wixi Hanti la aruuriyay lagu aminay ayaa qolyaha wax gumaada ka mid ah, hadana waan is qabtoo waxan is iri waa iska Soomali iyo warkeediye waxa jira u dhaba gal.

Qola kale ayaan arkay oo leh Dhiiga Baarlamanka ayuu baneystay oo Amni daro iyo xasilooni la’aan ayuu beeray, kuwa kalaa yiri Dadka dhan ayuu ku dhiiri galiyay in ay is ku qarxiyaan xildhibaanada, intas iyo in kale oo waliba Aflagaado sii dheertay markaan barya dhex mushaxayay ayaan Maanta waxaan helay Video laga duubay wadaadka oo ka hadlaya Arimo badan, si xiisa badan ayaan ku dhageystay waxaana helay Qeybti lagu heystay ee aheyd MOOWSHIN, iyo XILDHIBAANO.

Waxaan dhageystay in kabadan Lix mar waxana ku soo guriyay halkadan iyada oo qoraal ah wuxuna Siikhu yiri

“Mowshinku markuu maslaxa Soomaliyeed yahay waan soo dhaweyneynaa, laakin markuu yahay mid Laaluush lagu rabo, ama qaranka Soomaliyeed lagu dumin Ilaahey magaciisbaan ku dharaneynaa Maalintaa waxaas aan aragno, hada dadku waxa ay ku sheekeystaan cadawbaa wax soo abaabulay, Ilaahey magaciisbaan ku dhaartaye anoo shacabka soomaliyed aniga iyo inta ila mida oo fakarkaas ila qabta kaashaneyna cidii dambe oo Qaranka lugta qabata in aan oogu galeyno meelaha ay joogaan oon gaaraceyno”.

Intaa markaan dhageystay ka dib ayaan mid ka mid qolyihii wadaadka sida adag ugu dhaganaa waxan weydiyay waxa wadadka lagu heyso iyo hadalka oo duban in la heli iyo in kale isla intii aan dhageystay ayuu ii soo diray, waxaan go’ansaday in aan hada ka fal celiyo eedaha loo jeediyay wadadka.

M’ogi in Wadaadka Xarash hor loo hayay, ama horay ciil logu qabay oo la la’aa mel loo soo maro iyo iyo in kale, balse hadalkisa kuma arag anigu mid ka mida eedaha loo jeediyay ee ah ARGAGIXISanimo, iyo in uu XILDHIBAANADA QARANKA U GAFAY, ama AMNIGOODA QALQAL GALIYAY toona, kaliya hadalka wadaadka waxa uu tabanayay qolyaha wax dumin kara, ama lacag ka doorsan kara masiirka umada, ee Baarlamka wanaagsan wadaadkuw waxba kama sheegein.

Inkastooy ayaandaro tahay in Tuug iyo Qaran dumis loo doodo, ama Barlamanka loola jeeda la yiraahdo, hadana dhabta eedahaan been abuurka ah ayaa u muuqda in Wadaadka ay ku AWR kacsadeen ama ay wada ka dhigteen qolyo dano gaara leh ama u jeedooyin kale leh, ama Madaxda sare ee Dowlada ay si uun isku hayaan,laakin nasiib daraada dhacday ayaa ah in wax magarato oo dhan ay dhab moodeen eedaha Wadaadka lagula gardarooday.

Ugu dambeyn qolyaha ka dambeyay been abuurkan iyo marin habaabinta Kalmada Wadaadaka, waxaan u soo jeedin lahaa in ay Danta ay leeyihiin ama qofka ay u jeedaan ay toos u abaaraan oo ay san Wadaadka ku rafan.

W.Q: Bashiir Axmad Suuleey

Qoraa Bashiir Axmad Suley

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.