Xog: Shirkado ay diideen Baarlamaankii 9-aad ee Somalia oo Maamula Illaha Dhaqaalaha Somalia.

0

Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo ah Isha Dhaqaale ee Dalka ayaa waxaa kala Maamula 2 Shirkadood oo Turky ah, kuwaasoo kala ah Shirkadda Al-Bayrak oo Maamusha Dekadda iyo Shirkadda Favori oo Maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

    Dekadda Muqdisho

21 September ee 2014 ayaa lagu wareejiyay Shirkadda Al-Bayrak inay Maamusho Dekadda ugu wayn Somalia ee Muqdisho. Waxaana si rasmiya ugu wareejiyay Xukuumaddii Waqtigaas jirtay, iyadoona kadib ay Guddiga Gaadiidka Baarlamaanka Somalia u yeerteen Maareeyaha Dekadda Muqdisho si ay wax uga waydiiyaan Heshiiskan aysan ka warqabin in Shirkadan lagula wareejiyay Dekadda, Hase yeeshee Maareeyaha Dekadda oo aan laftigiisu Macluumaad ka hayn Shirkadan wuu u cudur daartay Baarlamaanka inuu hor yimaado.

Guddiga Gaadiidka Baarlamaanka ayaa waqtigaasi wixii ka dambeeyay waxay Mooshin ka dhan ah Al-Bayrak hor geeyeen Baarlamaanka Somalia oo kadibna si aqlabiyad leh ku diiday, balse ma jirin cid dhagaysatay Go’aanka Baarlamaanka.

Al-Bayrak oo ka shaqaynaysa Dekadda Muqdisho

      Garoonka Muqdisho

Dabayaqaadii 2013-kii ayeey Dawladda Somalia ku wareejisay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Shirkad laga leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Favori, kadib markii laga laabtay Heshiis horay loola galay Shirkad laga leeyahay Koonfur Afrika oo maamulaysay Garoonka. Waxayna Shirkaddan Favori si rasmiya u billowday Hawlaha Maamulka Garoonka Muqdisho.

8 Billood kadib markii lagu wareejiyay Favori Garoonka Aadan Cadde oo ay ahayd Taariikhdu 17-May-2014-kii ayeey Baarlamaanka Somalia ka fariisteen Sharci ahaanta Shirkadaasi iyo sida laga yeelayo.

139 Xildhibaan oo Kulankaasi ka soo qaybgashay, 124 ka mida waxay u codeeyeen in Shirkadda Favori Dalka laga saaro, halka 13 Xildhibaana ay u codeeyeen in Shirkada Favori ay waxtar u leedahay Dalka. Waxaana Gud Baarlamaanka Somalia, Maxamad Cismaan Jawaari oo Gudoominayay Kulankaasi uu ku dhawaaqay in laga joojiyo Shaqadda Shirkadda Favori oo ay Baarlamaanku amreen in laga cayriyo Dalka.

Baarlamaanka oo Cod u qaadaya Favori

Xageey ku Dambeeyeen Go’aanadda Baarlamaanka,?

inkastoo ay 2-dan Shirkadood ee kala maamula Dekadda iyo Garoonka Muqdisho diideen Baarlamaanka Somalia haddana Maalina lagama joojin Shaqadda, dib u eegis laguma samayn Heshiisyaddii lala galay. Waxayna Dawladdii uu Madaxwaynaha ka ahaa Xasan Sh Maxamuud iska inkirtay Amarka Baarlamaanka Somalia, iyagoona Shirkadana sii watay Shaqadoodii.

tan iyo wixii waqtigaasi ka dambeeyay waxba la iskama waydiin Heshiisyada lala galay Al Bayrak iyo Favori oo wali kala maamula Dekadda iyo Garoonka. Waxayna tani ka dhigaysaa in 2-dan Shirkadood ay si sharci darro ah ku maamulaan Illaha Dhaqaalaha Dalka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.