Xog: Maamulka Beerta Nabadda oo u hogaansamay Amarkii Maamulka Gobalka Banaadir.

0

Maamulka Beerta Nabadda ee Muqdisho ayaa u hogaansamay Amarkii Maamulka Gobalka Banaadir. Waxayna Shalay billaabeen inay u fasaxaan Dadwaynaha inay si Lacag La’aan ah ku galaan Beertaasi.

Hornafrik ayaa ogaatay in arrintan ay ku timid dhex dhexaadin ay sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia, Ganacsato iyo Waxgarad, kuwaas oo u tagay Gud Gobalka Banaadir, Kadibna waxa uu Gud Thaabit ku adkaystay in marka hore uu dhaqan galo Amarkiisa.

Maamulka Beerta Nabadda ayeey Xubnahan isku xilsaaray dhex dhexaadinta ku qanciyeen inay fuliyaan Amarka Gobalka Banaadir, kana dhigaan Bilaash galitaanka Beerta Nabadda, taasoo ay aqbaleen Maamulayaasha Xaruntaasi. Waxaana loo ballanqaaday in laga wada hadlayo waxay tabanayaan.

Xalay ayeey ahayd inay isi soo horfariistaan Maamulka Gobalka iyo Maalgaliyayaasha Beerta Nabadda, hase yeeshee Kulankaasi ma uusan qabsoomin sababo la xiriira dhinaca Maamulka Gobalka Banaadir. Waxayna Kulankaasi qorshaynayaan Ganacsatadda inay hor dhigaan Sababaha aysan suurtagal ku ahayn in Bilaash laga dhigo Xaruntaasi iyo Caqabadaha jira.

Beerta Nabadda oo ah Meel loo Dalxiis taggo ayeey maalgashadeen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Maamulka Gobalka Banaadir uu la galay inay ku shaqaystaan goobtaasi 20 Sanno. hase yeeshee dhawaan ayuu Duqa Muqdisho amray in la joojiyo Qidmadda lagu gallo Beertaasi, Halka Ganacsatadda Maalgashaday Beertaasna ay markiiba iska diideen Amarkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.