Puntland oo soo bandhigtay Fariisimo ay al-shabaab kala wareegtay +Sawiro, Maxay ka yiraahdeen Alshabaab,?

0

Maamulka Puntland ayaa manta Saxaafada u soo bandhigay Fariisimo ay al-shabaab kala wareegeen kadib dagaal qaraar oo 4 maalin ka socday Buuraha Gal-gala ee Gobolka Bari.

Mudo ka badan 4 Maalmood Ciidamada MAAMUL GOBOLEEDKA Soomaaliyeed ee Puntland waxa ay howlgallo ka wadeen deegaano u dhow dhow Buuraha Calmadoow ee Gobolka Bari halkaas oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dagaaltahano ka tirsan Al-Shabaab.

Hawlgalkan oo si joogta ah uga socday deegaanada kala ah Madarshoon,Diindigle,Biyo Madow iyo Mariidle ee Buuraha Cal Madow ayey ciidamadu soo bandhigeen Qalab ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo Saxaafada la hadlay howlgalka kadib  waxay sheegeen in intii uu howlgalku socday ay dagaal ku dileen ilaa 18 Maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka Hawlgaladda ee Kooxda Alshabaab, C/casiis Abuu Mascab oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay inay soo weerareen Ciidamadda Puntland, Isla markaana ay kaga adkaadeen Dagaalkaasi. Wuxuuna beeniyay in dhinacooda uu jiro Wax Khasaare ah oo ka soo gaaray Dagaalkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.