Gen Jaamac Qaalib oo iska casilay Gudoomiyanimadda Guddiga Taakulaynta Ciidanka.

0

Gen Jaamac Maxamad Qaalib oo xalay uun Madaxwaynaha Somalia u magacaabay inuu Gudoomiyo Guddiga Taakulaynta Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay.

Gen Qaalib kama uusan bixin faah faahin Sababaha uu isku casilay. Waxaase uu sheegay in arrimo isaga u qaas ah uu isku casilay.

Xiriiro ay isku dayday inay Hornafrik la samayso Gen Jaamac Qaalib ayaan suurtagalin. Sidoo kale Dawladda Somalia ayaan ka hadlin arrintan.

Gen Jaamac Maxamad Qaalib iyo Sh Nuur Baaruud Gurxan ayuu Xalay Madaxwaynaha Somalia u magacaabay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Guddi Heer Qaran ah oo loo saaray Taakulaynta Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia.

Guddigan ayaa looga dhawaaqay Xaflad Xalay ka dhacday Muqdisho oo uu Gen Qaalib laftiguusu goob joog ka ahaa. Waxayna isaga iyo Sh Nuur Baaruud Gurxan dhinacyadda ka taagnaayeen Madaxwaynaha, iyagoo si wada jir Kitaab ugu maray inay illaalin doonaan Ammaanadda Shacabku ugu dhiibo Ciidanka, taasoo muujinaysa in Gen Qaalib uu xalay ku qanacsanaa Magacaabista, hase yeeshee lama ogga waxa keenay Isbadalkan deg dega ah.

Madaxwaynaha oo ay wehliyaan Gen Qaalib iyo Sh Baaruud
Gen Qaalib iyo Sh Nuur Baaruud

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.