Wasiirka Amniga Kenya oo ku geeriyooday Nairobi.

0

Madaxtooyada wadanka Kenya ayaa ku dhawaaqday in si lama filaan ah uu u dhintay mid kamida wasiirrada lafdhabarta u ahaa xukuumadda uu madaxda ka yahay Uhuru Kenyatta.

Wasiirkii amniga gudaha wadanka Kenya Joseph Nkaissery ayaa ku geeriyooday isbitaal lagu magacaabo Karen oo kuyaal magaalada caasimadda u ah Kenya ee Nairobi.

Warbaahinta Maxalliga Kenya waxay sheegtay in wasiirka dhintay shalay uu ka qeyb galay iskusoo bax doorashooyinka lagu taageerayay oo ka dhacay fagaaraha weyn ee Uhurua Park  bartamaha magaalada Nairobi.

illaa iyo hadda lama shaacin sababta uu u dhintay Wasiir Joseph Nkaissery balse madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay maalmo baroordiid ah, wasiirkii amniga gudaha Kenya ayaa xilkan loo magacaabay sanaddii 2014 wuxuuna kamid ahaa wasiirrada ay sida aadka ah isugu dhawaayeen Uhuru Kenyatta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.