Kalfadhiga Baarlamaanka oo si rasmiya uga furmay Muqdisho.

0

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmiya uga furmay Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

 Furitaanka Kalfadhigan waxa uu ka xiiso badan yahay kuwii ka horeeyay oo ay inta badan Xildhibaanaddu maqnaan jireen. Waxaase Maanta ku soo xaadiray Hoolka uu ka furmayo Xildhibaanaddii ugu badnaa ee ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Somalia.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Md Maxamad C/laahi Farmaajo ayaa furay Kalfadhiga, isagoona u jeediyay Xildhibaanadda Khudbad u badnayd dardaaran.
Khudbadda Madaxwaynaha ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa ah Mid Dastuuriya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.