Xog: Gud Jawaari oo Mooshin ka dhan ah laga abaabulayo Muqdisho.

0

Xildhibaano taabacsan Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Khayre ayaa  billaabay Diiwaan galinta Mooshin ka dhan ah Gud Baarlamaanka Somalia, Maxamad Cusmaan Jawaari. Waxayna Xildhibaanadan qorshaynayaan in Fadhiga Baarlamaanka marka uu furmo inay geeyaan Mooshinkaasi oo ay doonayaan inay caqabad kaga dhigaan Mooshinka la hadal hayo in laga keenayo Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Khayre.

Dad Siyaasadda Falanqeeya ayaa aaminsan in Shaxdan Cusub ee la ciyaarayo ay qatar ku tahay habsami u socodka Baarlamaanka, Isla markaana ay suuragal tahay in Kulamadda Baarlamaanka ay ku qabsoomaan Buuq iyo Gacan ka hadal, taasoo laga yaabo in ugu dambayntii la isla tuuro 2-da Mooshin ee laga kala keenay Raiisul Wasaaraha iyo Gud Baarlamaanka.

Baarlamaanka Somalia ayaa Kalfadhigiisa waxaa bari si rasmiya u furi doono Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo, iyadoona Xildhibaanadda ay ku soo qul qulayeen Maalmihii la soo dhaafay Muqdisho.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.