Pakistan oo Dil lagu xukumay Nin Masjid ku dhex dhuusay.

0

Nin dil lagu xukumay kadib marar badan oo uu masaajidyo kala duwan ku dhex dhuusay dalka Pakistan.

Garsoore maxkamadeed ayaa dil ku xukumay maxkamad ku taala dalka Pakistaan nin magaciisa la yiraahdo Maxamad Alwahaabi. iyadoo la sheegay inuu caado ka dhigtay ku dhex dhuusida masaajidyada xilliga cibaadada.

Ramadaankii ayey aheyd waqtiyada ugu daran ee ay dadku ka sheegteen gaar ahaan isagoo salaada ka carqaladeeyay mujtamac fara badan iyadoo 53 qof nay dartiis halmar masaajidka isaga dareereen.

Maxamed Alwahaabi oo 33 jir ah ayaa xukunkan intaanu dhicin kahor waxaa laga soo ceyriyay 17 masaajid.

Sida warbaahinta dalkaasi laga soo xigtay qaadiga ayaa sheegay in ninkani uu muteysay in dil ciqaabeed la marsiiyo. islamarkaana uu hor dhigay inuu kala doorto in qoorta laga gooyo iyo in dhagax lagu dilo. iyadoo dadka qaar ay ku andacoonayaan in si fudud loo dilo aaney aheyn ciqaab uu xanuun badan ku dareemi karo. hase ahaatee ay jeclaan lahaayeen in dhagax lagu dilo maadaama uu gef adag sameeyay.

Hadaba maxay ku timid dhuusadu? Maxaase ka qaldan Maxamed Alwabaahi?

Dhibaatada dhuusada Maxamed Alwahaabi ayaa ah cudur dadka qaar caloosha ka gala kaasoo ku qasba in qofku is xakameyn waayo.

Si arintan Maxamed uu ula tacaalo ayuu mararka qaar isticmaali jiray Tambooniga dumarku isticmaalaan isagoo sidoo kale isticmaali jiray suuf si aan loo dareemin shanqarta dhuusada.

Maxamed Alwahaabi ayaa ogolaaday xukunkan in lagu fuliyay isagoo qirtay inuu sameeyay wax fashil ah. sidoo kalena uu aad uga xun yahay qaladaadkiisa.

AlWahaabi oo Dhuuso Darteed Dil loogu xukumay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.