Hadda: Ciidanka Madaxtooyadda oo Dhaawacay Wariye ka tirsan Radio Muqdisho.

0

Ciidanka Illaaladda Madaxtooyadda Somalia ayaa ku dhaawacay Agagaarka Tiyaatarka Qaranka, Wariye iyo Farsamayaqaan ka tirsan Radio Muqdisho oo lagu magacaabo Fahad Cabdi Gaas. Waxaana Wariyahan oo ay wada socdeen Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho, Gaatamoow rasaas ku furay Askari ka tirsan Ciidamo joogay Bar Koontarool oo u dhaxaysa Tiyaatarka Qaranka iyo Hoteelka SYL.

Wariye Fahad Cabdi Gaas ayeey rasaastu ka haleeshay Qoorta, Waxaana la geeyay Isbitaal Muqdisho ku yaala, halkaas oo Qaliin kooban looga sameeyay Qoorta, kadibna la tolay illaa iyo 12 Qodob.

Askariga Weeraray Gaarigan ay wateen Wariyayaasha Radio Muqdisho ayaa dhawaan laga soo daayay Xabsiga Madaxtooyo, kadib markii sidan oo kale uu Xildhibaano ku rasaaseeyay. hase yeeshee iyadoo aan loo gudbin Maxkamad ayaa taliyihiisa Cumar C/raxmaan oo uu ka mid yahay Istaafkiisa waxa uu dib ugu soo celiyay Hawlihiisa shaqo.

Cumar C/raxmaan-Taliye Urur ka tirsan Madaxtooyo

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda oo ay la hadashay Hornafrik waxay sheegeen in Askarigan hadda la xiray, Laakiin ma cadda in Maxkamad loo gudbin doono iyo in Xeer Jajab lagu dhamayn doono.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.