Nin Somaali ah oo iska soo tuuray qeeybta afaraad guri ku yaala Magalaada leuven ee Dalka Belgiumka
Leuven– Nin 25-jir Soomali ah ayaa galabta abaaro 05:00tii galabnimo geeriyooday kadib markii uu ka soo dhacay daaqad ku taala dabaqa afaraad guri uu ka deganaa magaalada Leuven ee wadanka Belgium.
“Baaris kadib weey cadahay in dhibanuhu uu iska soo tuuray daaqada isagoo diyaarsan” sidaas waxaa yiri sarkaal u hadlay Booliiska magalaada Leuven.
Guriga Marxuumka geeriyooday ayaa laga helay warqad, welina ma cada in qoraalka warqadaasi uu ku saabsan yahay geeridiisa maadama ay ku qorantahay Af Soomaali, booliiska ayaan weli wada baaritaan.
Wixii ku soo kordha arintaan Hornafrik.net kala soco