Madaxwaynayaasha Dawlad Goboleedyadda iyo Dawladda Dhexe oo ku kulansan Muqdisho.

0

Shirka Dawlad Goboleedyadda iyo Dawladda Dhexe oo Maanta Ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominaayo Madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Madaxda dowladda federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada, ayagoo uga hadli doono xaalada amaanka dalka iyo sida ugu haboon ee lagu sugi karo amniga Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey shirka Golaha Amniga Qaranka ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

 “Shirkan Golaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu shir guddoominayo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin hirgelinta qorshayaasha amni ee ay dowladda Soomaaliya wado, qodobadii kasoo baxay shirkii London ee Soomaaliya lagu taageerayey waxaana shirkan uu yahay gogol Soomaaliyeed oo uu dhigay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow).

Ajandayaasha shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ah bandhigista guullaha laga gaaray qorshaha xasilinta amniga Caasimadda Dalka iyo dhameystirka qodobbo looga hadlay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee kan ka horeeyey oo ay ugu horeysay dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah.

Shirkaan oo socon doonaa mudo labo maalmood ah ayaa qayb ka ah Wadatashiyadda Joogtadda ah ee Dawlad Goboleedyadda iyo Dawladda Dhexe ee Somalia. Waxaana dhawaan la sameeyay Golaha Amniga Qaranka oo ay Xubno ka yihiin Madaxwaynayaasha Dawlad Goboleedyadda, isla markaana uu Guddoomiyo Madaxwaynaha Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.