Gobalka Banaadir oo markii ugu horaysay Matalaad ku yeeshay Shirka Amniga Qaranka ee Somalia.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Madaxtooyada uga furay shirka Golaha Amniga Qaranka, shirka oo uu Madaxweynuhu shir guddoominayay ayaa socon doona muddo labo maalmood.

Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in uu shirkan daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya. Isla markaana looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay kamid ahaayeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo xoojinta dagaalka lagu jiro kooxaha argagixisada ah.

Maamulka Gobalka Banaadir oo aan horay Matalaad ugu lahayn Shirarka heerkan ah oo lagu qabto Muqdisho ayaa markii ugu horaysay Shirkan ku yeeshay Matalaad. Waxaana ka qayb galay Gud Gobalka Banaadir, Thaabit Abdi. iyadoona tallaabadan ay Muqdisho ku yeelatay Matalaadda Shirarka lagu gorfaynayo aayaha Dalka ay ku timid dadaal ay sameeyeen Maamulka Cusub ee Gobalka Banaadir iyo Maamuladdii ka horeeyay.

Waxaa ka qayb galaya shirkan xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

Shirka ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo maalinta berri, waxaana la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku aadan arrimaha amniga dalka.

Gud Thaabit oo ka soo muuqday Shirka Amniga Qaranka.
Madaxwayne Gobaleedyadda Jubbaland, KG, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Duqa Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.