Booliska Kenya oo xaqiijiyay in Alshabaab ay Weerar ku qaadeen Gudaha Kenya.

0

Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Xagjirka ah ee Alshabaab ayaa weeraray Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalo Xeebeedka Lamu-Kenya oo u dhaw Xadka Somalia, siday Xaqiijiyeen Saraakiil Boolis ah oo la hadlay BBC-da qaybta Afrika la hadasha.

Ciidamadda Ammaanka Kenya ayaa ka jawaabay Weerarkan. Waxaana la maqlayay Saacadihii la soo dhaafay Daryanka Rasaasta Culus iyo kuwa fudud. Waxaana gabi ahaanba go’an Isgaarsiinta Magaaladaasi, taasoo sii adkaysay in la ogaado Xogta dhabta ah ee Xaaladda Lamu.

Alshabaab ayaa war ay soo dhigeen Bartooda ku sheegtay Dagaalkaasi. Waxayna sheegeen inay la wareegeen Saldhiga Booliska Lamu, isla markaana ay weerareen Xarunta Dawlada Hoose ee Lamu, iyagoona ku faanay inay gacanta ku hayaan inta badan Magaaladaasi.

Kenya oo ay Ciidamo Nabad Illaalin ah ka joogaan Somalia ayaa inta badan weeraro Argagixisanimo ah kala kulanta Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.