Faaf Faahin Qarixii lala beegsaday Agaasime Bahlaawi. iyo Alshabaab oo sheegtay Masuuliyadda Qaraxaasi.

0

Agaasime C/risaaq Yuusuf Bahlaawi oo Qarax lagu beegsaday Taleex-Hodan ayaa hadda xaaladiisa Caafimaad soo hagaagaysaa. Waxaana goor dhawayd laga soo bixiyay Saaladda Qaliinka.

Dhaqaatiirta dawaynaysa Agaasime Bahlaawi waxay sheegeen in Dhaawac uu ka gaaray Garabka, isla markaana ay ku guulaysteen inay wax ka qabtaan Xaaladiisa Caafimaad.

Agaasime Bahlaawi oo Hornafrik isna la hadlay waxa uu sheegay in caafimaadkiisu fiican, isla markaana uusan hadda faahfaahin intaas ka badan bixin karin.

Darawalka ku waday Gaariga Agaasime Bahlaawi oo isna dhaawac fudud soo gaaray ayaa u sheegay Hornafrik inuu aaminsan yahay in Qaraxa uu ahaa Miino la dhigay Jidka dhiniciisa. isla markaana ay ku soo booday marka uu Gaarigoodu la siman yahay. Wuxuuna sheegay inay marayeen xilliga la qarxinayay agagaarka Dalcadda Taleex.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lagu dhaawacay Bahlaawi sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Kooxda ku hadasha.

Ma jiro wax war ah oo ay Dawladda ka soo saartay Weerarkan lagu dhaawacay Agaasime Bahlaawi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.