Madaxwayne Farmaajo oo ka baaqsaday Itoobiya iyo Raiisul Wasaare Khayre oo ku matalaya Shirka AU.

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Md Maxamad C/laahi Farmaajo oo horay loogu casuumay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa ka cudur daartay ka qay galka Shirkaasi. Wuxuuna u wakiishay inuu Somalia ku matalo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo dhaca Sannadkii 2 mar ayaa waxaa ka qayb gala Hogaamiyayaasha Dalalka Afrika, Waxaana Somalia uga qayb gali jiray mar kasta Madaxwaynaha Waqtigaasi Taladda haya, Laakiin Madaxwayne Farmaajo oo ay ahayd in Shirka uu Somalia ku matalo ayaa u wakiishay raiisul Wasaare, Khayre oo la filayo inuu halkaasi ka jeediyo Khudbad ku aadan arrimaha Somalia, iyo Horumadda Dawladda Somalia.

Khayre waxa uu goor dhawayd gaaray Magaaladda Addis Ababa, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madax ka tirsan Dawladda Itoobiya, kadibna waxaa loo galbiyay Hoteelkii loogu talagalay Madaxda Wadamadda Afrika.

Madaxwayne Farmaajo ayaa markii 2-aad ka cudur daartay Shir ka dhacayay Addis Ababa, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee IGAD uu wakiishay Madaxwaynuhu inuu ka qayb galo Raiisul Wasaare Khayre oo Safarka Addis Ababa uu u noqonayo kii 2-aad ee uu halkaasi ku tago.

Ma ahan wax looga bartay Madaxwaynayaashii isaga dambeeyay Taladda Somalia inay ka baaqsadaan Shirarka ka dhacaya Itoobiya iyo Casuumaadaha ay u fidiso Xukuumadda Addis Ababa, iyadoona horay Madaxda Soomaalidu ay u kala dhuuman jireen Itoobiya, Laakiin Hogaanka Cusub  ee Dawladda Somalia ayaa billaabay dhaqan cusub oo ah inaan lagu dag dagin Casuumadaha Itoobiya oo ah Dal lagu eedeeyo inuu kobciyo Fawdada Soomaaliya,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.