Al-Shabaab oo sheegtay inay Askar Kenyan ah ku dileen Jubbada Hoose.

0

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa sheegay in Weerar ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Kenya ee Degaanka Taabto ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen illaa Afar Askari oo Kenyaan ah,kuwo kalena ay ku dhaawaceen.

War lagu Faafiyay Websetyada Taageera Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Weerar Culus ay Al-shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidanka Milatariga Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Taabto oo Hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose islamarkaana Weerarkaas Dhimasho iyo Dhaawac ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Kenya  ayaa Xaqiijiyay Weerarka lagu soo qaaday Saldhigga ay ku leeyihiin Taabto,waxaana ay beeniyeen in Askar looga dilay Weerarka lagu soo qaaday.

Al-shabaab ayaa Dhowr Jeer Weeraro kala duwan ku qaaday Fariisimaha Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolada Jubbooyinka iyo Gobolka Soomaalidu ay degto ee NFD,balse Kenya ay ula baxday Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.