Maku soo gaadhay muuqaalkii Calankeenu inuu midabbo badan yeeshay?

0

Maalintii la tiriyey heestii loogu wanqalay ”Qolaabaa calankeedu waa caynoo innaga keenu waa cirkoo kale” waxaa abwaanku tilmaan qumman ka bixiyay midabka dhabta ah ee uu leeyahay caleenkeennu. Sidaa awgeed ayay tahay mid aan la qaadan karin in qof walba maradii midab buluug ah lehba u walhiyo sidii iyadoo calankeennii ah, waxaa taas ka ayaan-daran in goobaha qaarkood lagu soo ban-dhigo maro qayd ah oo xiddig cad ku suntantahay, midabkase ”buluug” ah ay goob-joog ka ahaadaan madaxdii qaranka ee uu maciinka bidayay cakankeennu.

Waxaa hoos ka muuqda sawiro dhawr ah oo aan kasoo aruuriyay munaasabadaha Soomaalidu ku kulanto, kuwaas oo lagu sheegay inay u taagan yihiin calankeennii, sawiradaas waxaa dhexda kaga jira calankii dhabta ahaa ee qaran soomaaliyeed lahaa.
Sidaa waxaan u yeelay inaan bal uun kala garano farqiga u dhexeeyay qaydadkaas loo ekaysiiyay calankeennii iyo calankii dhabta ahaa.

Axmed Maxamed Xasan
Copenhagen Denmark

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.