Madaxwaynaha Farmaajo oo Maanta ubax dhigay Taaladda Daljirka Dahsoon Munaasibadda 1-da Luulyo awgeed.

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo ayaa Maanta ubax dhigay Taaladda Daljirka Dahsoon Munaasibadda 1-da Luulyo awgeed.

Munaasibad kooban oo lagu maamusayay 57 Guuradii ka soo wareegtay Xornimadda Goboladda Koonfureed ee Somalia iyo Israacii Waqooyi iyo Koonfur oo lagu qabtay Taaladda Daljirka Dahsoon ayna ka soo qayb galeen Dadwayne ka socday Degmooyinka Gobalka Banaadir oo xirnaa Dharka Calanka, Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska, Bambayda Booliska ayuu Madaxwaynuhu Salaan Sharaf kaga qaatay Ciidamadda Booliska, iyadoo halkaasi lagu garaacay Astaanta Calanka, Waxaana uu Madaxwaynuhu mid mid u gacan qaaday Dadwaynihii ka soo qayb galay Munaasibadaasi.

Madaxwayne Farmaajo ayaa hadal uu ka jeediyay Munaasibadaasi hambalyo ugu diray Shacabka Soomaaliyeed, Wuxuuna ka taariikheeyay Madaxwaynuhu Taariikhda 1-da Luulyo, iyo sida ay u uga go’an tahay Dawladda Somalia inay raacdo Dhabihii Halgamayaashii SYL.

Waa markii 2-aad ee Madaxwaynuhu dhagax dhigo Taaladda Daljirka Dahsoon, horay ayuu 26-kii June oo ahayd Xornimadda Goboladda Waqooyi Madaxwayne Farmaajo u dhagax dhigay Taaladda Daljirka Dahsoon oo lagu maamuuso Askarta Geesiyaasha ah ee Dalkooda u dhinta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.