Alshabaab oo sheegtay inay Caawa Sarkaal ku dileen Muqdisho.

0

War ay soo dhigeen Kooxda Alshabaab Website ka afkooda ku hadla ayeey ku sheegteen inay ku dileen Sarkaal Sare oo Milatari ah Muqdisho, kadib markii ay Qarax ugu xireen Gaarigiisa. Waxayna Kooxdu Sarkaalkan Magaciisa ku sheegeen Gen C/laahi Danab.

Sarkaalkan lagu magacaabo Gen C/laahi Danab ayeey Alshabaab warkooda ku sheegeen inay ugu xireen Qarax Gaarigiisa, isla markaana ay ku dileen Qaraxaasi xilli uu marayay Xaafadda Seey Biyaano ee Degmadda Hodan. Waxayna ku tilmaameen Marxuumka inuu ka mid ahaa Saraakiil ay Dawladda Somalia u diyaarinaysay Guluf Dagaal oo lagu qaado Kooxda Alshabaab.

Ma jiro wax ka baxsan Sheegashadda Alshabaab oo xaqiijinaya inay Dileen Sarkaalkaasi, iyadoo Dawladda Somalia aysan wax war ah ka soo saarin illaa iyo hadda warka ka soo baxay Kooxdan.

Kooxda Alshabaab ayaa caan ku ah Dilalka Dadka Bulshadda Muhiimka u ah, kuwaas oo marka ay Dilaana ay u qiil sameeyaan Ficilkoodaasi Xun.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.