Xog: Norway oo cadaadis saaraysa Muwaadiniinteeda Xilalka ka haya Dawladda Somalia. Maxay ku cadaadinaysaa,?

0

Dawladda Norwayn oo Muwaadiniin u dhashay Dalkeeda ay Xilal sare ka hayaan Dawladda Somalia ayaa billowday inay cadaadis ku saarto in laga tanaasulo Dacwadda Badda ee hortaala Maxkamadda Hegue. Waxaana Maanta arrintaasi u yimid Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway iyo Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre oo haysta Jinsiyadda Norway ayaa yeeshay Kulan gaar ah oo ay kaga wada hadleen arrinta Badda Somalia oo ay Oslo door ku leedahay. Waxaana Kulankaasi loo diiday inuu goob joog ka noqdaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, sida uu dalbaday Dhigiisa Norway.

Warar ay heshay Hornafrik ayaa sheegaya in Xasan Cali Khayre uu aqbalay in Somalia ay ka tanaasusho Dacwad Badda ee kala dhaxaysa Kenya, Isla markaana ay Kenya oggolaato in la wadaago Khayraadka laga helo Xuduud Badeedka lagu muransan yahay. Waxa uu sidoo kale Khayre saxiixay in Norway ay gacanta ku qabato Mashaariicda laga fulinayo Xuduud Badeedka ay ku muransan yihiin Kenya iyo Somalia.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamad Cusmaan Jawaari,  Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xubno ka tirsan Golayaasha Dawladda ayaa haysta Dhalashadda Wadanka Norway, Halka Madaxwayne Maxamad C/laahi Farmaajo uu isna haysto Dhalashadda Wadanka Maraykanka.

Dastuurka Somalia ayaa oggolaanaya in Muwaadiniinteeda ay yeelan karaan 2 Jinsayadood oo ay ku jirto tan Asalka ah ee Soomaaliga ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.