XASUUSIN: BLACKWATER BALAAYO KU SOO BIIRTAY SOOMAALIYA.

0

W.Q Abdifitah Mohamed Xaambe

Qormadaan maaha mid ku salaysan siyaasadda iyo harganka dadka Soomaaliyeed u dhaxeeya ama fadhi ku dirir iyo ku tiri ku teen ah ee waa qormo laga soo xigtay warbaahino caalami ah iyo wargeysyo dunida magac ku leh aadna loogu kalsoonyahay, linkis iyo meelaha laga soo xigtay oo luuqadda Englishka ahna hoos ama dhamaadka qoraalka ayaad ka helaysa.

Inta aana guda galin BLACKWATER iyo dunida diiwaanka uga qoran iyo dambiyada ay gashay waxaan ku bilaabayaa arrinta cusub ah ee in ay Soomaaliya timid shirkaddaas.

Sida warbaahinta caalamku qortay oo ugu horeyso REUTERS asbuucii la soo dhaafay Shirkadda Blackwater oo hadda isticmaalaysa magaca; Frontier Services Group (FSG) laakin milkiilihu kii yahay weli laguna magacaabo; Erik Prince ayaa heshiis la saxiixatay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Madaxa shirkadda, Erick Prince oo heshiiska xaqiijiyay wuxuu sheegay dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed inay ka taageerri doonan dhinacyada ammaanka,duulista iyo dib u dhiska.
“Waxaan isku afgaraney Koofurgalbeed inan deegannada ka hirgelino mashaaric dhinacyada dhulka,circa iyo badda iyo weliba in ammaanka la hormariyo,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkadda FSG.

Madaxweynaha Koonfur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo si kooban heshiiska uga hadlay wuxuu sheegay inuu qayb ka yahay qorshaha uu maamulka ku doonayo inuu ku soo jiito maalgashtayaal shisheeye iyo kuwa gudahaba.

Shirkaddaan ayaa la rumaysanyahay in maalgalinayso shirkadda dekadaha ee horey ula wareegtay dekadda Ber-bera ee loo yaqaan DP world oo laga leeyahay dalka IMAARAAT ka carabta, waxayna gacan ka siinaysaa arrimaha amniga iyo suurta galinta jawi ay ku hantiso Dekadda Baraawe oo gabo-gabo uu marayo heshiis loogu gacan galinayo IMAARAATKA.

BLACKWATER/FSG WAA SHIRKAD NUUCEE AH? WAA KUMA MILKIILUHU?

Blackwater oo hadda loo badalay Frontier Services Group FSG waa shirkad ka shaqaysa arrimaha ammaanka oo aan dowli ahayn( waxa soomaalidu u taqaan calooshood u shaqaystayaal) waxaana leh oo aasaasay Erick Prince oo horey uga mid ahaa jiray ciidanka badda US NAVY SEAL. Shirkaddaan qandaraaskii ugu weynaa waxay ku qaadatay dagaalkii Ciraaq iyo Afghanistan.

XASUUQIII CIRAAQ IYO BLACKWATER.

September 16, 2007 gudaha magaalada Baghdad meesha lagu magacaabo Nisour Square ayey xasuuq ka gaysteen qaar ka mid ah shaqaalaha hubaysan ee shirkadda Blackwater oo galbinayey wafdi American ah ee ka tirsanaa Safaaradda USA, waxayna dileen 17 qof oo shacab iyo 20 kalana waa dhaawaceen, waxaana xusid mudan in caruur ay ku jiraan dadkaas. Wixii intaa ka dambeeyey waxaa hareeyey fadeexado isdaba joog ah iyo eedaymo kale oo fara badan shirkaddaas, taas oo saamayn ku yeelatay xariirkii Ciraaq iyo America waxaana bilowday baaritaano iyo dacwado ka dhan ah shirkadda iyo shaqalaheeda. Baaritaano muddo socday iyo maxkmad waxaa ugu dambayn dambiyo lagu helay 4 ta nin ee sawirka ka muuqata oo lagu kala magacaabo; Dustin Heard, Evan Liberty, Nicholas Slatten and Paul Slough. 3 ka mid ah waxaa lagu xakumay kiiba 30 sano oo xabsi ah halka midna lagu xakumay xabsi cimri daa’in ah.

ka Billow Bidix: Dustin Heard, Evan Liberty, Nicholas Slatten iyo Paul Slough. Xuquuqda: AP

Waxaa intaa dheer in Shirkaddaan eedaymo kale oo badan in loo soo jeediyey iyo xad-gudubyo kale oo waaweyn oo ay ka mid tahay in ay qaraxyo fulin jirtay, laakin maadama qormadu dheeeraanayso waxaan go’aansaday si kooban in aan dhacdadaas iyo tariikha shirkaddan in aan idiinla wadaago.

Ka dib markii Tuke cambaar leh ay noqotey Blackwater caalamkana laga ogaaday in ay burcad tahay wuxuu go’aansaday aasaasaha shirkadda Erick Prince inuu iska iibiyo uuna isaga guuro USA. Waxaana kala wareegay ganacsato kale oo magacii Blackwater u badalay Academi.

Erick Prince wuxuu fariisin ka dhigtay Imaaraatka, wuxuuna samaystay shirkadda hadda Shariif Xassan heshiiska la gashay oo uu ka diiwaan galiyey Hong Kong waxaana ka dambeeya arrima badan oo qidad ama sir ah in shirkaddaan aysan USA ka diiwaan gashaneen waxaana adkaa doonta in laga dacweeyo ama uu qabto sharciga USA ama kan Imaaraatka hadii ay gasho gabood fal la mid ah kuwii horey ay u gashay.

Waxaa ila haboon qof walba masuul dowladeed ama mid kale ha noqdeen in uu gacan ka gaysto sidii aan dalkeena uga difaaca lahayn wax walba oo halis iyo dhibaata ku keeni kara ayna noo soo dhuuman dadka dunida ka qoran eedaysanayaasha kolley haddii aan soo dhawaysano shirkad ama qof ceynkaan ah waxaan ka dhaxli doonaa waa in ay ilmaheena dilaan hooyooyinka Soomaaliyeedna kufsadaan, waayo sida muuqata xoog iyo sharci caabbi kara ma jiri doono marka ay nagu dhex xididaystaan.

Xigashooyinka
http://news.bbc.co.uk/1/hi/7033332.stm
https://www.reuters.com/article/somalia-frontier-service-idUSL8N1IE2O9

http://www.reuters.com/article/us-usa-blackwater-sentence-idUSKBN0N425320150413

W.Diyaariyay: Abdifitah Mohamed Xaambe

                                   Hornafrik

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.