Muqdisho oo Xalay lagu dilay Sarkaal Milatari ah.

0

Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka xilli ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Xalay Fiidkii ayay Maleeshiyaad Hubaysan waxay degmada Wadajir ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka melleteriga Dawladda Federaalka Soomaaliya sida ay dad goob joogayaal  xaqiijiyeen.

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa dilay Macalim Xuseen Sheekh Macalim oo kamid ahaa tababarayaasha ciidanka melleteriga, kadibna Raggii Dilka gaystay waxay ka baxsadeen Goobta.

Alshabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda Dilkaasi, waxayna ku faaneen in Xoogag ka tirsan iyaga ay gaysteen Dilka. Laakiin Masuuliyiinta Amniga Dawladda Somalia ayaan ka hadlin Dilkan. iyagoona Saxaafadda cadaadis ku saaray inay baahiyaan Wararka la xiriira Dilalka ay Alshabaab fuliyaan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.