Iiraan oo Xaqiijisay inuu geeriyooday Hogaamiyihii Daacish.

0

Ciidamada qaaska ah ee Iiraan ayaa xaqiijiya in la dilay hogaamiyaha kooxda Daacish, iyadoo lsticmaalay aalado kala Duwan.

Cali Shirazi oo ah wadaad Sare ayaa u sheegay wargeyska Asr-e Iran inaan wax Shaki ah kujirin geerida AlBaghdadi. Waxaa sawiro cadeynaayo meydkiisa soo bandhigay wargeyska Irib ee laga leeyahay dalka iiraan. iyada oo dad badan cadeeyeen in wejiga meydka la soo bandhigay aad is kugu egyihiin Albaghdadi.

Sarkaal ka tirsan Qaybtaa 9aad ee Gawaarida Gaashaaman ayaa sheegay in 12/6/2017 furinta hore ee dagaalka la isla dhex marayay in la dilay Albaghdaadi oo uu kudhintay weerar xaga cirka ah oo ay gaysteen Diyaaradaha Ruushka, kana dhacay koofurta magaalada Raqqa.

Khamiistii ayuu Wasiir Ku Xigeenka Ruushka ku dhawaaqay inay Dileen Albaghdadi. Wuxuuna sheegay in Hogaamiyaha ISIS ay ku dileen Duqayn ay Diyaaradahooda Dagaalka ka sameeyeen Aagga Raqqa ee Syria 28 May.

isagoo la la hadlayay Oleg Syromolotov Jaraaidka Sputnik waxa uu sheegay in Macluumaadka Geeridda Albaghdaadi hadda laga xaqiijiyay Illo kala duwan.

Hadaladan waxay u eg yihiin sheegashadii 16-kii June ee Wasiirka Difaaca ku sheegay in Albaghdaadi uu ka mid ahaa 300 oo Dagaalyahano Mintid ah oo lagu dilay Duqayn ay Diyaaradaha Ruushku ka gaysteen Aagga Raqqa.

Wargayska Sputnik waxa uu ka soo wariyay Saraakiil Ruush ah in Kooxda Daacish dhexdeeda uu ka jiro ismaandhaaf xooggan oo salka ku haya cidda noqonaysa Hogaamiyaha Kooxda, taasoo muujinaysa inay xaqiiqo tahay Geeridda Albaghdadi.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.