GABAYGA: SOOYAAL iyo Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

0

Q1AAD: SOOYAAL. Waxay ka hadleysaa Soolaalidii hore
Iyo Soomaalida hadda farqiga udhexeeya dhaqan ahaan
kala soco (51) illaa (147)

Q2AAD: SIRIQROOR. waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda,

kala soco (148) illaa(283)

Q3AAD: SEEGSEEG. waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed
Kala soco (284)illaa ( 338)

Q4AAD: SANADGUURO. waxay ka hadleysaa,
1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabaldegowaxa ay tahay
Kala soco (339) illaa (427)

Q5AAD: SAFGALAAL. waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay
Kala soco (428) illaa (503) Ka bogasho wacan

1. Indhoweydba siinleeyda gabay, waanigaan soline
2. Waataanan sadar maanso tirin, sa’ iyo wowgeede
3. Waataan sidaydaba murtida, soomay waayadan
4. Ha yeshee sabaad maanan qabin , mana samayn wayne
5. Anigaa ka seexdoon u socon, sabab la’aanteeye
6. Goortaanse saamaxay ayaa, saangab lay filaye
7. Suugaantu waa hibo ILAAH, siiyo Aadmiga’e
8. Sadaqiyo sedimo lagu ma helo, iyo sooryo ruuxiga’e
9. Sabuul aad guraysana ma ahan, saraca beereede
10. Sida soofka suuq lagu ma gado, lacag sanuudeede
11. Waa hiddaayo ALLAHA SAADAQAA, geliyo saabkaaga
12. Anigana RABBAA ii sahloo, waygu saacidaye.

13. Sa` labaad sifadahayga kale, maydin solonsiiyo
14. Sinji hirasho soomaali baan, dhalasho soocmaaye
15. Sunni baan ka sii ahay misana, suubbanihii raacay
16. Salawaatullaahi iyo salliga, iyo salaamaade
17. Nin ALLE u sujuudaan ahoo, ruux la simahayne.

18. Sadar xigana waa sifada gabay, siiro dhaqankayga
19. Siinka maanso sidaydaba anigu, sooryo ku ma doono
20. Saamallayl caweys ka ma tirshiyo, suuq magaaladaye
21. Selsel iyo salsaal ku ma dariyo, silac maryaadkiiye
22. Saqajaanka sidiisii murtida, u ma saliilyeeyo
23. Sebi iyo sabool-gabaygu waa, sahangandoobaane (1)
24. Sida suxufi warbixin saafayiyo, wariyihii SOONA
25. Ayaan sadarro dhaadheer naxwaha, ugu sameeyaaye
26. Hadal subagle, uur belo ku side, been saqlaa jira’e
27. Sirmaqabe waddani baan ahoo, xumo suldaareyne
28. Nin qabyaalad suusicinayoo, samayaduu daaba
29. Oo qabiil u saabaan xirana, i la ma saanqaado
30. Dan soomaali mooyee si kale, waan ka saahidaye
31. Surdhe iyo siqiir yarina waa, subax dhawaaqaane
32. Goortii sedkeed buuxsamaan, ibo salaaxaaye
33. Saddix boqol sagaashan iyo kow, subaxa ay gaarto
34. Waxa laga sugaa waa inay, fool sindhigataaye
35. Saakana Suugays waa dhashoo, sayrtay nirigtiiye
36. Aan salaaxo saa’il loo lisyaay, ina samuud toosan.

37. Afartaa sintii ararta iyo, taan siddayn jirey dheh
38. Saymo hooray, daad ciidda simay, saganyadoodii dheh(2)
39. Saraar(3) ugub sidiisiyo baroor(4), suguguftoodii dheh
40. Surwaynaha libaaxiyo shabeel, gayr sahaansahan dheh
41. Maroodiyo salool laacdamoo, geedo seexiyey dheh
42. Wiyil geeska soogtiyo yaxaas, webi saluumbeyn dheh
43. Sawaariiq sinnaan loo ridiyo, gumacyo saayruuq dheh
44. Saam hawada santaag leynayiyo, miig sagaal toban dheh.
45. Sal iyo baar midaan wada sixiyo, saxarra taariikh dheh
46. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.

47. Marka hore salaan guud abwaan, aan ku wada sooro
48. Marka xiga saxaafadda murtida, mahadnaq aan siiyo
49. Marka xigana Soomaali aan, nabad u saadaalsho
50. Marka xigana aan sii socdoo, qaato subacayga.

51. Waa saac bisaac dunidu oo, subaxba waa cayne
52. Haddii qaylo samadiyo ka timid, sugulle(5) guudkiisa
53. Sogsog(6) lagu ma gaariyo surciyo(7), saamajiid socode
54. Senge orodle, ximir duud sallaxan, sogobkii(8) maan raaco
55. Suunbiciidka maan qoofashoo, koora sibirtaago
56. Heensaha markii aan u saxo, ciribta maan siiyo
57. Dhirta saabsan maan sulux ku maro, ciidna ka la sayro
58. Saqle orodka suubaan waddada, siigo ligansiiyo
59. Saranseerku meeshuu jiriyo, sabada maan gaaro
60. Sulub aabi maan laba sahsaho, sarinna maan jeexo
61. Haamahay rag saabsaabiyeen, maan siddada gooyo
62. Maan saldooxo sannahaabadiyo(9), suyuca waabayda
63. Maan sooryeeyo soomalidii, sixirka loo dhaanshey
64. Maan ka sayro sibraarrada suntii, loogu sacabbeeyey
65. Maan siisiiyo suusac iyo karuur, caanihii sidigta
66. Maan u solo sanuun(10) hiliba iyo, sararro geedeeysan
67. Oon u saafo sooyaalladdii, saanta laga saaray.

68. Sidaan aragnay, sidaan maqalnay iyo, sida xaqiiqdiiya
69. Soomaalidu dad saxan bay ahayd, seben horraaneede
70. Sokeeyiyo silsilad bey ahayd, soo jireen dhalade
71. Sinji duul wadaagey ahayd, sowrac iyo luuqe
72. Isi suran walaal beey ahayd, toliyo saaxiibe
73. Is ku saabsanaan bay lahayd, sees aan dheelliyine
74. Summad iyo sugnaan bay lahayd, la isku soohnaaye
75. Sumcad iyo sintaac bay lahayd, siiqo dhaqameede
76. Sarriig iyo xishood bay lahayd, ceeb la suuliyo’e
77. Seeddiyo sal xidid bay lahayd, xeer sallaalimane
78. Sarbeeb iyo sir dedan bay lahayd, sarid asluubeede
79. Samir iyo dulqaad bay lahayd, saamax nabadeede
80. Siyaariyo salaan bay lahayd, la is la seexdaaye
81. Safar iyo sodcaal bay lahayd, soo dhoweeyn hela’e
82. Sooryiyo saldhigashey lahayd, summal la loogaaye
83. Samatalis sifeeyeey lahayd, saxar xumaaneede
84. Waxgarad siinadeeyeey lahayd, talo sidii roone
85. Indheer garad sulsuliyeey lahayd, xaajo saafiya’e
86. Sengeh iyo ka saar bay lahayd, saaq la haadiyo’e
87. Odoyaal sargooyeey lahayd, qaabka sixitaane
88. Duqoow ugu sarraysey lahayd, salax la taabtaaye
89. Dhallin amar la siiyeey lahayd, oon sagsaag geline
90. Xogogaal siraadey lahayd, suu arkoo runaye
91. Aqoon yahan u sahanshay lahayd, meesha loo socone
92. Sheekh cilmiga u saafeey lahayd, suu ILLAAH yiriye
93. Macallin Saba’ baraayeey lahayd, Suuradda Qur’aane
94. Kabiir saacideeyeey lahayd, oo ku sima jeere
95. Arday subaca qaateey lahayd, aayad loo saxaye
96. Safladirir cadaawey lahayd, sowd mid looyahaye
97. Siiqa loo dhintaabey lahayd, magaca soomaale
98. Sifo lagu yaqaannay lahayd, iyo siiro gooniyaye.

99. Ummaddii sidaas soo ahayd, waa sohdima leeye
100. Seddax boqol imaarado ayay, saa’id dheertahaye
101. Saacatayn intii loo socdaba, seeradaa dhigane
102. Ka salguurtey ciiddii cirkana, saani may degine
103. Jidsiraad dushiis bay martiyo, sidib habheebeede(11)
104. Samhariira naartiina waa, sii dul socotaaye.

105. Surrucaad(12) u dhimay ruux dayaba taalada soomaali
106. Midnimaa la sabar wiiqayaa, lana saluugaaye
107. Urur baa la saameelayaa, loo siqsiqayaaye
108. Qaran baa la saraduugayaa(13), suuq la gadayaaye
109. Qabiil baa la suumsuumayaa, loo sanrinayaaye(14)
110. Waa la saama jiidaa wanaag, socod la aadaaye
111. Dulmaa loo saqleeyaa xumaan, loo sinqanayaaye
112. Surma seegtadaa lagu ordaa, iyo surun ciriiryoone
113. Balaayadu halkay seexataa, loo sikanayaaye
114. Saymuhu halkii ay maraan, ee naqu sabuulleeyo
115. Inta laga sahwiyo baa abaar, loo sahminayaaye
116. Waataas gumaystuhu sengehey oo sabaaliyaye
117. Waataas sirriyo loo dhigiyo, buug siyaasiga’e
118. Waataas qabiil loo sawiriyo, dirir sokeeyaade
119. Waataas sawaariiqda iyo, suugga loo gadaye
120. Waataas sohdimo yeelatiyo, sallax xudduudeede
121. Waataas sabool iyo si daran, siiqan caatada’e
122. Waataas sidii Ari sekaa, suuqyadaa warane
123. Sannahaabo waataas u horan, kaamka Soorada’e
124. Waataas saliilyada cuntiyo, sixirka quureede
125. Waataas tahriib subax walbaba, saaran doomaha’e
126. Saxaraha wataas sii martiyo, seerka Liibiya’e
127. Waataas Sucuudiga dawari, sacab ku tuuggiiye
128. Waataas Sawaaxili martiday, iyo san wayntiiye
129. Waataas subeehiga(15) kufrigu, sii safrinayaaye
130. Waataas qaxootiga susumi, sabo shisheeyaade
131. Waataas sidii la la rabiyo, soo bax loo helaye
132. Wataas cayrta lagu suulal xiray, sayladdaa Yurube
133. Waataas sebiyadii ay dhaleen, laga sidkaayaaye
134. Waataas santuuqayada kuleej, lagu siyaartaaye
135. Waataas la dhaqan suuliyoo, ceeb sakaar warane
136. Waataas sidii saxar bidbidi, heegadaa sara’e
137. Waataas sursuur halisa iyo, saalo caaridaye
138. Waana taas sifadii Aadminimo, aan salkulahayne
139. Saakana halkeey sahansataye, ay ku sii socoto
140. Inuu samatabixiyoo ILLAAH, sacido mooyaane
141. Saadaaladeediyo rajadu, way silloontahaye
142. Si ka daranna waa la la rabaa, say haddeer tahaye.

143. Afartaa intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshey
144. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan, surinki weeydaarshey
145. Ma u simay sidii seeyma roob, oo salaad da’aya
146. Ma saldheeyey(16) baydgaabku waa, sarin habaabaaye.
147. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.

i. Qaybtii 2aad: SIRIQROOR

148. Sarta meesha saaxiibbayaal, qurun ka saameeyo
149. Haddaan aayar laga saadda warin, wey sidsidixdaaye(17)
150. Xaajadan sirgixantaa wacyigan, saaciddada diiddan
151. Iyo salawga waayaha wixii, sababay maan baaro
152. Seeragoyska howshan gashaye, loo saldhigi waayey
153. SIRIQROORKU meeshuu ka gakay, soobil baan arage
154. Haddiise saawasaawaha(18) Bashiir, laga su’aal doodo
155. Soke aragti laga dayo ayaan, sare ka eegaaye
156. Saydhadu(19) halkay ligantahana, dhibican saaraaye
157. Saantirasho raad dhuumadkaan, suuliyaa(20) abide
158. Sallaxyaduu ku taagsadana waan, holac siraadaaye
159. Waxaan ugu socdana taa haddaan, siinka ku cadeeyo
160. Intii xumaha soohdoo dhanbaan, saxu aqaanaaye
161. Suxulduugga, seexseexadkiyo, saasintiyo (21)beenta
162. Sinwadaagta wada suubbisaan, suul ku godayaaye
163. Ka salgaar qofkii sixid raboow, sowdka hadalkeeyga.

164. Markii ciidda soomaaliyeed, laaram laga saaray
165. Isticmaar salaaxiina baxay, siina sahayqaatay
166. Sarmadoobayaal buu ka tegey, iyo surweelgaabe
167. Iyagaa Suwiye(23) iyo bedelay, Fiishar iyo Seerli
168. Sida qadiga saynsaabyadana, nagu sur duuduubye
169. Maskaxdana santuuqbuu dhigtiyo, siin warlaliskiiye
170. Dabadeedna kala socoy halkaas, siraha Soomaale
171. Inay saastahanawaxad ku garan, waan ku solonsiine
172. Soddomaadki siminaarradii, buugtuu nagu siiyey
173. Intaan sidano een subax walbaba, si ugu doodeyno
174. Mey suulin weli Silfadoor (24), saxaafaddiisiiye
175. Wax waqooyi sabar kofureed, uga saluug leexday
176. Ama sool dagaal uga socdaa, waa so’duu dhigaye
177. Sanadkanna sagaal iyo ka badan, qayb nakala saarye
178. Maxaad sugi saakana waa Nikolas(25), suuldhabaaluhuye.

179. Si kastaba ha noqotee haddaan, sii sukulo faallo
180. In kastood sarbeeb iyo sa`qoran, sowdka ugu sheegto
181. Soli mayso waanadu dhegaan, uba samaysnayne
182. Qalbi siigo owddoo dhintana, waa sidoo kale’e
183. Ha yeeshee maahmaah sugan ayaan, qaatay say tiriye
184. Middi saawirtiyo madax socdaba, samir la dayn waaye
185. Aan sarsaro bal sababtii labaad, godobta soomaali.

186. Seddax iyo tobnaadkii u kacay, seeman(26) dhicinteeda
187. Oo sool(27) abaar iyo u maray, seerigiyo howdka
188. Suxulduubka raacdada raggii, sabarku uu dhuubtay
189. Surdhad iyo suugays iyo samuud , saaxi iyo suurad(28)
190. Seddax haba maqnaatee raggii, labada soo hooyey
191. Oo guusha suuldaar hordhigay, suud iyo waqooyi
192. Xibin laga ma siin sooryadii, sidigta maandeeqe
193. Sufur seero waatii la dhigay, soocankii Es Waay EL
194. Samirsiiska waatii durbaba, saangab loo qoraye
195. Karal(29) saaxir saarkuu watiyo, saaqidyaa dhacaye
196. Waateey sallaankiyo koreen, taliskii soomaale
197. Ha yeeshee sir iyo dhagari weey, kula saliibtaaye(30)
198. Sagaal sano ka badan sii ma hayn, sarartay boobeen.

199. Goortii sidaagii(31) Rishiid ,saanad lagu toogtay
200. Inqilaabka waa kii Siyaad, saabilka(32) u rogaye
201. Waatuu siddeed saac xirxiray, sumallo wayntiiye
202. Isaguna samaan la ma imaan, sogordah moyaane
203. Saamallaylka nimankii la galay, ee saqiray guusha
204. Surkujoogsi buu ugu beddeley, sacab garaaciiye
205. Ifka seeji aaqirana woow, sahayday qaarkoode
206. Qabyaaladna sagaal jeer marlaab, dogobna sii saarye
207. “Sirrig(33)” yiri qabiillada sidii, suguble awr geele
208. Duullaan sokeeyana billow, oo colaad sahaye
209. Hadbana seefta ku la bood ninkii: “waa sidee?” yiriye
210. Si ka daranna wuu suubbiyiyo, waalli sixireede
211. Suuradaha qur’aankiyo sharciga, beeni dhowr sadare
212. Dumarkiyo raggaa simanna waa, soo sabuuradaye
213. Sulus qayb casabadii u diid, saami dhaxalkiiye
214. Minhuma suddusu suuf kullaab, suu ILAAH yiriye
215. Kuse saxay dunuubtuu saqliyo, kibir sandhuubkiiye
216. Sabbaaxadda wuxuu laba ridoo, dhibida sayraaba
217. Is ka salaqsigiisaas wuxuu, duul salkicinaayey
218. Waateey kuwuu suujinjiray, subax ka tuureene.

219. Iyaguna wanaag may samayn, siriq Alluu qoolye
220. Waa siimuuqday goortay sarqaan, sawlax dirireene
221. Soddon reerba hoggaamiye sawira, xero u saynsaabye
222. Mooryaan silloon iyo ka xulay, saaqid iyo tuuge
223. Suug iyo sekaawiyo u gaday, boobe silislaaye
224. Saf markuu dhammaadana saf kale, saaray gaariga’e
225. Sabciin alif wuxuu mayd sugee, uunka wada seemay
226. Soof iyo wuxuu saad dhacee, beel ka sacabbaystay
227. Si xun iyo wixii uu si daran, qalad santaagaaba
228. Wax kastuu sameeyaba haddaan, laba saluugaynin
229. In la saado mooyee haddaan, cidi su’aalaynin
230. Seddax xaraf intuu siin kudaray, magac u soo saaraye
231. War saxaafadeedkana ku sheeg, urur siyaaseede
232. U sannaar(34) sidii dibi sumbaa, oo lo’ saarsadaye
233. Kuwii kalena sama’-sama’(35) afxumo, seerigii tebiye
234. Subaxdiina siyaarada dagaal, la isku sayrsayrye
235. Salfudaydka sowlaxa(36) la dirir, sabab la’aaneede
236. Wuxuu sanado badan saa ku wado, ee xornima seejo
237. Si ka daran sidii hore la yimid, dulun siyaadaaye
238. Sahlanaan intuu calan u suray, dowlad suga sheegye
239. Magacana SUTIYALAAN u bixi, gobolna saameeye
240. Dhulka seer xarriiq oo xudduud, saas ku soo xiraye.

241. Sagandaaga(37) awrkuba markii, sanadka uu qooqo
242. Hadduu dhibida sayraariyee, micida soofeeysto
243. Sida suur qiyaamaha hadduu, doob sawaxanteeyo
244. Geelaba ka saar qaalinkiyo, suunbe karinleeye
245. Hadba sayn cantuugyadana waa, salab eryoodaaye
246. Waxay seddaxjir soo wada martoo, seeri wada daaqdo
247. Ma saaxiibto aawrtuba hadday, sano sideed gaarto
248. Sabo ku ma heshiisiyo suryiyo, seenyo xeradeede
249. Sowraca bidhaan geel markuu, aragti soof eego
250. Mid waliba safkii uu watuu, naqa ka saaraaye
251. Intuu geeda seejiyo ayuu, saxara geeyeeye
252. Wuxuu sidaa u yeelaana waa, qooq sakaadhiga’e(38)
253. Wax suureeya siyaasiga in badan, hagaya soomaali.

254. Jaahilkii markuu saas u galay, saariqna adeegtey
255. Samabixin dadkii laga rabiyo, sulux heshiisiinta
256. Odoyaashi nabad soohi jiray, belo markay suusto
257. Hubka sayrka seekaawihiyo, saanaddii gada’e
258. Saabaanka(39) dirireed sahliyo sahayda duullaanka
259. Culimana inay ka la sacbiday, waad la socotaane
260. Midba suurad waa kaa aqriyey, oo sakaadhiyaye
261. Aqoonyahanna soomaalinimo, saanta hoos geliye
262. Sabuuradda wanaag ku ma dhigiyo, samir walaaleede
263. Ka la soocitaan kuu saxiix, qalinka saarayaaye
264. Sadarrada midnimadoo dhanbuu, suuf ku tirayaaye
265. Satiyada(40) qabiilkuu tolaa, saancadaalluhuye
266. Waana seefta geerida, wuxuu soofe mariyaaye
267. Siqiir gowricii dhacay ma jiro, qoom dil saamaxaye
268. Sacabbada ninaan dhiig la gelin, sado xil loo diidye
269. Kun ka saa’id goortuu surjaro, loo saldano sheeg.

270. Haddii aarku seeriga ka helo, seenyo miranaysa
271. Suubaan(41) gelgelimeed hadduu, silac u laalaadsho
272. Ee daqayo siibtee misana, muruqa soocsoocdo
273. Markuu dhereg sannaaree subxiga, kaynta socod aado
274. Raqda Soobir meeshuu sursuray, amuu ku saaf-saafay
275. Sirqo habar dugaag oo dhanbaa, saacaddaas imane
276. Sambabkiyo waxay ka la daftaa, suumankuu nacaye
277. So’ iyo saan markay feenatee, yare sintoolayso
278. Safka xiga haadkii suganayaa, soo sawaaf dega’e
279. Sanka iyo ilxayrkiyo dhegtey, xididdo siibtaaye
280. Markii ay sakaarkiyo lafaha, suunan ka idleeyso
281. Baqti suranihiibaa(42) markaas, soo sanraac baxa’e
282. Uuskiyo wixii subag dhibceey, carrabka saartaane
283. Wax suureeya soomaalidaan, qoonba sanad laayo.

i. QAYBTII 3AAD: SEEGSEEG

284. Afartaa intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshey
285. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan surinki weydarshey
286. Ma u simay sidii sayma roob, oo salaad da’aya
287. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin habaabaaye
288. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.

289. Signal baxay dheglaa salagle, oo seeri bigil yeerye
290. Saqdi dhexe Bashiirow haddii, samada aan eegay
291. Xidigaha siraadiyo markaan, rugaha saac baaray
292. Saxal dirirka saanboob ku dhaaf, saraq wareegiiye
293. Naafaha ayuu sanaddadaan, ka la dhex sooraaye
294. Sahriguna sabciin tiro habeen, soo ma uu bixine
295. Sacadhowr salaad subax ma dhoco, bilaha seemoone
296. Cirjiirkuna seddaxa cirir ma qaban, labo sagaalaade
297. Dayaxuna sabaaannadaan ma maro, surummadiisiiye
298. Qibla sooraduu uga sikaday, sebenka maantaaye
299. Sagallada baxaayaana waa, sanad abaaraade.

300. Faalkana markaan saaciyee, sababta aan baaray
301. Caynsane(43) hagaag seexay oo, bayd su’aal noqoye
302. Garbaraar(44) sifada guud tilmaan, siin ya’ lagu reebye
303. Dariiquna(45) sirriyo qaawan iyo, samir la’aan sheegye
304. Nulqad(46) laba saflayn iyo caddey, guluf sawaariiqe
305. Minkiis(47) suuldhabaalaha u saar, sacab shisheyaade
306. Safarna(48) waxa ka kacay waa afyuub(49), mooro suxuloode(50)

307. Mar hadday sidaas tahay arini, oo jin nagu seexday
308. Hadal la ma surnaadee waxaan, talo ku soo saaray
309. Shacabyohow la siray oo la sabay, waydin saxayaaye
310. Sidiqabaxda saacaan waqtigu, waa Sahyuuniyade
311. Waa qabyaalad samayada(51) u daab, qarana seegseege
312. Waa gudin nin soo suubsadiyo, xilal maqaarsaare
313. Waana ii sixiix saan rabiyo, xoog ku socodsiiye
314. Qabiil summadka, sirir waallidiyo, xagarro food saarka
315. Saydho duugga, surin qodax mudkiyo, geedo sare waabka
316. Sanuud tacabka, saro taagidiyo, soor hunguridoonka
317. Salsal hadalka, suuryeerintiyo, been sabsabitaanka
318. Siyaasigan la salanseelayee, kugu sifaadahaya
319. Siyaasigan caqligu seero yahay, ood sengaha mooddo
320. Siyaasigan kufriga saaxibee, kaa sirduubahaya
321. Siyaasigan sidii saxalka Eey, loo tilmaan sarayo
322. Siyaasigan madfaca kuu sitiyo, sumaca maadhiinka
323. Siyaasigan ku saan jarahayee, laayey sebidaada
324. Siyaasigan salkaca kaa dhigee, samada kuu laalay
325. Siyaasigan ku ka la soocayee, sool ku ka la geeyey
326. Siyaasigan suryada(52) kugu horee, kugu sarmaan ooday
327. Siyaasigan balaayada solee, nabadda aan saabin
328. Siyaasigan saldhada(53) kaa dhigtee, gurada kaa saaran
329. Hadba suud ha kuu soo xirtiyo, saacad iyo koore
330. Samirkiyo dulqaadkaad gashee, waayo suganayso
331. Waxba inaanu soo sidin haddii, aad suti ogaatay
332. Saadaalo beentiyo rajada, sow is ka ma sayrtid
333. Sow qabiil siduu kuu la degey, siira ka ma dooddid
334. Sow qabyaaladdaan saaqidnimo, ku ma saliilyootid
335. Sow quursi soocsooca hayb, waana ka ma soontid
336. Sow danaysteyaashaan ku sira, sowdka ku ma diiddid
337. Sow subax naftoo sirinsirqaa(54), weerar ku ma soogtid
338. Sowse nacabkan seedaha ku jara, meel is ka ma saartid?.

QAYBTII 4AAD SANADGUURO

339. Afartaa intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshey
340. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan surinki weydarshey
341. Ma u simay sidii sayma roob, oo salaad da’aya
342. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin hanaabaaye
343. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.

344. Bulshayahay sifada Aadmi waa, boqol siyaaboode
345. Qof kastana sibuu doonayaa, ama saluugaaye
346. Waxse aniga saabkayga yaal, baan sadaqayaaye
347. Xalay seexan waayoo hurdada, waan salaalugaye(55)
348. Sakaraad sidaan ahay ayaan, saamallayl kacaye
349. Hadba sinu fariistoo subxiga, galay salaaddiiye
350. Wixii aan la selaloo in badan, soor la cuni waayey
351. Oo sirinsirkaas iigu wacan, maydin solonsiiyo
352. Nin walaalki cadaw soo jireen, haysto sabarkiisa
353. Oo weli sabgaalinahayoo(56), uu sindabyeeyey
354. Isagana sabaansabid maskixi, lagu samaynaayo
355. Maqaar saarna lagu saatanshiyo, saawirro adeega
356. Oo seegto laga dhaadhacshiyo, sheekan soconaynin
357. Oo saabbesaabbe iyo ku nool, siibado qaxooti
358. Xornimaduu salleelaynayiyo, calankan uu saartay
359. Lixiyo labatankuu siiyay juun, ee kowda luul saxayo
360. Sanadguuradan maanan garan, aay sabcinayaane
361. Siduu yiri kurraacaha kufriga, qaatay salawgiisa
362. Bal su’aala Soomaaliyeey, weertan soo socota.

363. Haddii uu shan soomalo ka dhigay, sayncadaha gaalku
364. Seddax maqanya, labo seedo mudan, oo silsiladaysan
365. Oo seeska wadareed u siman, magaca soomaali
366. Sareedada xoriyo ee lahelay, saani ugu qayb dheh
367. Bal suureey sinnaan iyo badnaan, saamigii dhaxalka
368. Ma saxbaa in loo saariyaa, suud iyo waqooyi
369. Intii kalena Sawaaxiliga iyo Xabashi aan siinno?.

370. Su’aal kale haddii aan hordhigo, gebigeed soomaali
371. Subax baan midoownaan maqlaa, saacad iyo goore
372. Soomaali waataan ahayn, siman walaalaaye
373. Goormaanu ka la soocannoo, saafmay dhaladkeennu?
374. Horta yaa sideedaba innaga, jeer na ka la saaray?
375. Sahnuuniga kufrigu sheekaduu, soo sabbaxateeyey
376. Siriqduu lugaha noo gelshiyo, dabinkuu noo soohday
377. Surka miyaan ku sidannaa xargihii, sida sabayn daylo?

378. Suudda koofur, waqooyiga Sanaag, gobaladdaa Saylac
379. Sabiixdaa Jabuutiyo galbeed, Harar safkuu raacshey
380. Seerahaas Wajeer iyo sintaas, Gaarisada saaran
381. Shantii soomaloo soon gumaysi, noo sohdimo qaybshay
382. Sarintiyo sudmadahuu dhigiyo, surimmaduu jeexay
383. Miyaan weli ku sii socod lunnaa, tubihii seylaani?

384. Siinka alif ardaga seero qalad, siyo kale u qaata
385. Salbanii Israa’iila ma saxo, suuraddii baqara
386. Nin sahwiyey, salaadaha ku noqoy, labo sujuudoode
387. Lixdankii haddaan seegnay talo, sibiqna duuflaalnay
388. Wax sawaaban oo silan haddaan, sahal ku taageernay
389. Salfudayd haddii aan u sacbinnay, sababti mowdkeenna
390. Suluxyadii qiyaaniyo waxaan, belo sawaafraacnay
391. Boqol sano inaan weli la sixin, qaladkan seeraaran
392. Oo aan sirtii abid la garan, waa sabcaalnimo’e(57)
393. Sow ma eegto illaa sebenudiin, dhagartan Soomaali?.

394. Ina seenyo oo sayle aar, mici suryeeynaayo
395. Oo soorka dhuug sayn ilaa, sararta laallaado
396. Oo caato sabar wiiqanoo, awrba weli saarsan
397. Waa sidig irmaan kii na yiri, waana saabilaye
398. Gaawe sahashadeenii haddii, aan hungow saxannay
399. Inuu weli sedkeed yahay maxaan, Suub ugaran waynay?.

400. Soddon iyo sagaal sano siddeed, saa’id iyo naaqis
401. Soofdaran habaw bay ahayd, sidigta maandeeqe
402. Salid(58) baana ku soohnaa waqeed, geedo saajiya’e
403. Sulsuldabar markii lagu eryee, saynta laga duubay
404. San ku xuuble dhiciskiina aay, sayrid miridhaysay(59)
405. Suulgoroyo(60) waatay toleen, saaqdhagooluhuye
406. Gujo suxulna aay ugu dareen, sacab ku maalkiiye
407. Markay gaagax dhega soolidee, iba salaax diidday
408. Afarteedii suul baa qabiil, saab ku qaaybsadaye.

409. Nin sarteeda raba oon u socon, Seenyo dhaqankeeda
410. Oo inuu safriyo doonayiyo, saylad inuu beecsho
411. Oo sandareerto siisanahayiyo, subax waxuu quuto
412. Iyo kii samaan iyo la raba, nabad inaay soofto
413. Oo u sahanshay kayn seerbaxdoo, sarinku dogaabay
414. Oo sabo wanaagliyo u wada, seel inay mirato
415. Oo dhiillo saabliyo sibraar, soo sahsahanaaya
416. Oo jecel salaaxsuga inuu, sebiyaduu maalo
417. Labadaas ayaa ka la safane, maan gar ka la siinno?.

418. Hadal la ma surnaadee haddaan, soo afxiro weerta
419. Sa’da ka ma dambaystaa waxaan, doodda kaga seexday
420. Sacsac bahala, suqurjaa(61) horkaca, suququl(62) taageera
421. Sanfi(63) dhaqan xun, soofaalli(64) tuug, saaxiriin quruna
422. Iyo saar gumaystaha intaad, daba saqlaynnayso
423. Sedbursiga intay sheegayan, si xun u faa’iidku
424. Suud iyo waqooyiga intii, lagu sargooynaayo
425. Midnimaad saleelo u heshiyo, samo inaad waarto
426. Suxulkaaga leef weeye iyo, sacab timooleeye
427. Hana sugina soomaaliyeey, nabad sawaabkeede!

QAYBTII 5AAD SAFGALAAL

428. Afartaana intaan sadara dhigay, siin maka hikaadshay
429. Sa’dii aan kaqaadiyo miyaan, surinki waydaarshay
430. Ma usimay sidii seeyma roob, oo salaad da’aya
431. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin habaabaaye
432. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere

433. Waxa qaraniki soomaaliyeed, xididdaduu siibay
434. Ama calanki siigada dhexdhigay, loona ka la soocmay
435. Ama laysku saanjarahayoo, loo susumay dhiigga
436. Sidey aniga i la tahay haddaan, aragti saadaalsho
437. Waa qabyaalad sidashada, waxaan sababinaayaaye.

438. Mar haddey sidaa tahay waxaan ,hadal ku saameelay
439. Qabyaaladdaan sirgixan ee dulligu, saabka noo geliyey
440. Qabyaaladdaan siqiir iyo kabiir, wada samaynaayo
441. Qabyaaladdaan sadriga dhaadhacdiyo, seedihiyo uurka
442. Qabyaaladdaan sunnada laga dhigtiyo, waajib na la saaray
443. Qabyaaladdaan sidii miro sabuul, saraca loo beertay
444. Dadka sida sanuuntii u duban, ee ilmaha siistay
445. Oo wanaag ka saacina hayow, waydin saxayaaye
446. Salkac iyo sadaadiyo(65) dil iyo, sigasho mooyaane
447. Saxo caafimaad laga ma helo, sibir qabyaaleede
448. Waa sun qooshan, waabay salliman(66), suuxisiyo geeri
449. Waa sarqaan caqliga suuliyiyo, waalli sirireeda
450. Waa fayris sibiq faafayiyo, aydhis saxariira
451. Waa saliilyo lagu saxanayiyo, cudurka seexaawe
452. Waa naar saciiriyo sahwiyo, suudi miliceede
453. Waa sixir ibliis suusacshiyo, saxaro xaaraane
454. Waa belo cadaawuhu subkiyo, hoog sunaamiya e
455. Waa sirriyo kufrigu saabiyiyo, samayo gaalaade
456. Waa saliingo suusaana(67) iyo, Sooro mudayaane
457. Waa sakiinta lagu qayb saraa, ehel sokeeyaaye
458. Waa madane lagu ka la suntaa, toliyo saaxiibe
459. Waa santuuqda lagu kaydiyaa, sibirka quureede
460. Waa waxa dagaallada socdiyo, sababay sayruuqe
461. Waa waxa qaxootiga susumay, saaray doomaha’e
462. Waa waxa siyaasiga qarriban, qoorta noo suraye
463. Waa waxa sidaan iyo sideer, noo sakaar waraye
464. Qofkaan saa u garanayn ayaan, sii samrinayaaye
465. Imisay silciday oo silciday, oo ku saranseermay
466. Imisay suldaan dubatey iyo, niman salaadiin ah
467. Imisay waxgarad saan jartiyo, sebiyo waayeello
468. Imisay barbaar seef baddiyo, wiilal surar waynle
469. Imisay saraakiil sariyo, jananno haad siisay
470. Imisaa suleeqiyo ku go’ay, Suubban iyo hooyo
471. Imisay saf dubatoo saf kale, dhaawac sino beelay
472. Imisay nin soof badan lahaa, subax ku cayrtaysay
473. Imisay salkicisoo ka maqan, golaha soomaali?
474. Nin sidsidayba soo aragnay jeer, aaqir saytiriye
475. Mar hadaan sawaab laga helayn, sagagar(68) mooyaane
476. Maxaa belada loo daba socdaa, maa layskaba sayro?.

477. Safgalaal(69) hadii dulunku simay, wadarta soomaali
478. Qabyaaladda sunteedii hadduu, gebigeed saameeyey
479. Sabaan iyo sabaan badan haddii, aay ku saxariirtay
480. Xeerada salkeedii haddii, silac la soo taabtay
481. Waxay weli siddada ugu dhegtaa, waa i soli waysey!

482. Shiinahoo saliiqiyo(70) ka badan, saaqa iyo ciidda
483. Calan qura ayey wada sugtaan, kuna samaadeene
484. Si la mida Imaaraad Carbeed, waa suura waaxida`e
485. Waataas suuqyadoodii haddeer, loo safrahayaaye
486. Yurub baa santuuq yeelatiyo, saayiraad urure
487. Waa kuwaa midow saaxiboo, Yuuro suubsadaye
488. Naataa sarfayn iyo awood, wadar sinnaan guurta
489. Waa kuwaa dayaxa sare degoo, saartay saxankiiye
490. Satarlaytka waa kuwaa rakibay, loolka samadaaye
491. Waa kuwaa sawaariiq tuntoo, loo sabcinayaaye
492. Sanco iyo awood ku ma badniyo, seedda muruqaaye
493. Waxay sidaas ku gaaren tashiga, la is la saabshaaye
494. Inagoo siddeed kunana waan, ka la siqaynaaye
495. Maxaa diiddan soomaalinnimo, inaan sinnaan guuro?.

496. Waxba gabagu yuu ila socone, waxaan ku sooo kobay
497. Iiga sarakac mooyiyo inaad, samir ku dhaaftaaye
498. Iiga siko soomaalaay ma lahan, harag sagaaraade
499. Inaad toban ku wada seexisana, suura gelimayso
500. Waxaan uga socdaa taa kursiga, layska sugan waayey
501. Samac iyo haddaad leedihiin, arag wax suureeya
502. Suddan idinku dhaarshiyo sabiyo, SAADIRKA ILAAHE
503. Sidaan dhaama soomaaliyeey, waad surgucateene.

Dhammaad.

ERAY BIXIN

1.sahangandoob. sahan meel soke laga soo laabtay
2.saganyo. dabayl subaxdii iyo galabtii timaad
3.saraar. faras aan dhalin
4.baroor. nuuc fardaha kamid ah
5.sugulle. meel magaceed
6.sogsog. nuuc ka mid ah orodka fardaha iyo geela oo ruclaha ka agdhow, deegano geed looyaqaana waa jiraan
7.surco. soco af carabiya
8.sogob. cayilka labka xoolaha
9.sanahaabo. cunto aan nuxur lahayn oo aan wax ku tarin
10.sanuun. hilbaha caraftooda
11.habheeb. meel cabsi badan
12.surracaad. ciil aadan jawaab ka bixin karin isla xumayso
13.saraduud. neef geel ama Lo, ah oo kaa jabay oo inta dad kula qasho qaymo yar laguu celiyo
14.sanrin. wax ama meel la jecleysto oo loo kadaaliyo
15.subeehi. qawsaar
16.saldho. meel la seexdo oo geed korkiis laga sameyo
17.sidsidix. haragu marka uu qurmo ee uu kala daato
18.saawasaawe. sheeka sheeko
19.saydho. laan geed oo qof kaa horeyey kagu soo daayo
20.suulin/farya suulin. raad baalaabay ama meel dhagaxa maray tartiib u raadin
21.saasin. wax qarin ee meel kale farta ku fiiqid
22.seerli. magac nin ka mid ah gumeystihii Soomaaliya
23.suwiye. =========================
24.silfadoor. ========================
25.nikalos key. Ninkii qaramada midobey somaliya u fadhiye
26.seeman. hal magaceed oo aan usoo qaatay qaranimada
27.sool. dhulka ceelka dheertaa oo oomanaha ah
28.surdhar, suugeys, samuud, saaxi,suurad. Geel magicis waxaana u soo qaatay shatii magac Soomaaliya gumeystu u kala bixiyey
29.karal. magac nin ka mid ahaa gumeystihii
30.saliib. carrada qoyan ee kula sidbata
31.sidaay. xil sidaha
32.saabil. qaab turubka loo cayaaro oo laysku khiqaano
33.sirig. marka awrta lesku dirayo ayaa sirig sirig la dhahaa
34.sannaar. dhawaqa xoolaha labkaa ee qooqan
35.sama-sama. hadal aan isku aadanayn
56.sawlax. dhawaqa. Dadka dagaalaya
37..sagandaa. awrka cayilan
38.sakaadhi. kibir dhaarasho
39.saabaan. alaabta wax lagu cuno
40.sati. maqaar la tolay oo weel meel kore lala suro
41.suubaan. boorka ka kaca dooxooyinka
42.baqti surane. Tixiriga waaweyn ee baqtiga ku dega
43.caynsane. beyd faalka ka mid ah
44.garbaraar.=================
45.dariiq.=============
46.nulqad.=========
47.minkiis=========
48.sa’far. Beyd soo baxa marka la isku dhufto beydadka faalka. Waakii ninku lahaa sa’far afyuub iyo siin ILLAAH midna kuma samir xumi
49.afyuub. beyd faalka ka mid ah
50.mooro xusullood. Xerada faalka laga miisaamo
51.samayo. usha waranka
52.suryo. meesha labada geed u dhexeysa ee la maro
53.saldho.meel la seexdo oo geed korkiis laga sameeyo
54.sirinsirqeyn. naftoo la huro
55.salaalug. hurto ku nixid
56.sabgaalin. wax nool oo dhulka lala dhaco iyado la dilayo
57.sabcaalnimo. sawirnimo
58.salid. qofka marwalba ku dhiba oo aan kaa tegeyn
59.miridheyn. hasha dhicisa ama ilmuhu ka xumaadaan
60.suulgorayo. hasha la gacanbarayo suulka kor u xirid
61.suqurjaa. qofka damaca xun
62.suququl. qofka yabaalka badan
63.sanfi. dabaal
64.soofaalli. qofka iska hadla si xishood darraa
65.sadaado. dhibatada oon iyo baahi ee qofka korkiisa laga daremo
66.salliman. gacan ku hubin afsomali laakin waa afcarabi
67.suusaana. wareye BBC
68.sagagar. iska dabawareeg
69.safgalaal. saf ciyaar laga badshey dambas wada marin
70.saliiq. showlaha raaca cuntada ciidda lagu dubto.

Curiye: Maxamad Xuseen Faarax

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.