Xog: Taliyaha Booliska Somalia oo Xabsi Guri laga dhigay.

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen C/xakiin Saacid oo ay dul saaran tahay Seefta Xil ka qaadista ayaa laga dhigay Xabsi Guri, sida ay Hornafrik u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Booliska.

Wararka ayaa sheegaya inay la xiriirto Xabsi Guriga laga dhigay Gen Saacid markii arrimo la xiriira Ammaanka iyo sida loo wajahayo ay isku qabteen Agaasimaha NISA, C/laahi Sambaloolshe. kadibna uu Sambaloolshe oo galaan gal ku dhex leh Xafiisyadda ugu sareeya Dalka ku guulaystay inuu ku qanciyo Madaxda Qaranka in Gen Saacid laga dhigo Xabsi Guri tan iyo inta Xilka laga qaadayo. Wuxuuna sidoo kale ka sameeyay Sambaloolshe Taliyaha warbixin u muuqata Shirqool oo uu ku sheegay in inta aan laga qaadin Xilka inuu doonayo inuu qaybiyo Hubka iyo Qalabka Booliska, si aysan uga dambayn Boolis shaqayn kara, taasoo u muuqata Shirqool uu ku doonayo Sambaloolshe inuu Gen Saacid loo dadajiyo Xil ka qaadistiisa.

Waa Markii ugu horaysay ee Taliyo Ciidan oo Madax ka ah Talis ka mida Talisyadda Ciidamadda Qalabka Sidda laga dhigo Xabsi Guri.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.