Raiisul Wasaare Khayre oo isku shaandhayn ku samaynaya Golaha Wasiiradda, Waa Kuma Wasiiradda Xilka laga qaadayo,?

0

 

Sida xogta ay ku heshay Hornafrik Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo jeediyey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in shaqada laga eryo wasiirro ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo loo sababaynayo Xil Gudasho la’aan iyo Culays ka yimid Beelahooda.

Wasiiradan oo tiro ahaan gaarayaan illaa 5, ayaa xogta aan helnay waxay sheegeysaa inuu ku jiro Wasiirka Amniga, Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yuusuf Garaad, iyo 3 Wasiir oo kale, iyadoona Wasiirka Amniga lagu eedeeyay Qorshe qorshe la’aan dhanka amniga ah.

Wararku waxay sheegayaan in wasiirka amniga lagu haysto shacabka iyo dowladda oo uu iska horkeennay maadaama uu amray in la xiro waddooyinka xaafadaha, shacabkana la marsiiyo cadaadis baaaritaan ah.

Iyadoo taasi ay jirtay ayaa hadana waxaa magaalada bartamaheeda ka dhacay qaraxyo aad u xooggan, waxaana taasi ay keentay in madaxweynaha uu caroodo.

Raiisul Wasaare, Khayre ayaa aqbalay Dalabka Madaxwaynaha, waxaana la faliyaa inuu badalo 5 tan Wasiir, isagoo sidoo kalana Wasiiradda kale ku samayn doona isku shaandhayn. halka 5 Wasaaradoodna la keeni doono Wasiiro Cusub.

Wasiiradda Amniga iyo Arrimaha Dibadda ayaa ah Wasiiradda kaliya ee Raiisul Wasaare, Khayre ku qasbay inay qanciyaan Beelahooda, isla markaana kala yimaadaan taageero, taasoo ay ku fashilmeen Kulamo ay la qaateen Siyaasiyiin iyo Waxgarad matala Beelaha ay Wakiilka ka yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.