Madaxwaynaha oo Cafis u fidiyay Maxaabiis ku xirnaa Xabsiga Dhexe.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa  Cafis u fidiyay 13 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Xamar Munaasabadda Ciidda awgeed.

Maxaabiista  uu cafiska u fidiyay  Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in ay galeen dambiyada fud fud waxaana la sheegay ujeedka cafiska in uu yahay in waqtiga farxada maalmaha ciida iyo xuriyada ay la qaataan eheladooda iyo asxaabtooda. Waxaana dhamaan Maxaabiistan la xaqiijiyay hadda inay dib u heleen Xoriyadoodii, isla markaana la dhaqan galiyay Amarkii Madaxwaynaha Somalia.

lataliyaha dhinaca sharciga madaxweynaha oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in cafiska maanta bilowday uu socon doono ilaa iyo todobaadka xuriyada oo dhan. Waxaana jiri doona Maxaabiis kale oo cafis loo fidin doono.

Munaasibadaha Ciidda iyo Maalmaha Xoriyadda ayeey Madaxwaynayaashii isaga dambeeyay Somalia cafis u fidin jireen Maxaabiista ku xiran Xabsiyadda. Waxaase jira mararka qaarkood dhaliila la xiriira in Maxaabiista la cafinayo lagu daro kuwa Alshabaab ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.