Qarax weyn oo laga maqlay markab dagaal oo ku sugnaa xeebaha Puntland

0

Wararka ka imaanaya Xeebaha Puntland ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay markab kuwa dagaalka ah oo ku sugnaa meel qiyaastii 44KM u jirta degmada Caluula ee Gobolka Bari.

Dad ku dhaqan deegaanka Murcanyo ayaa u sheegay Idaacada VOA inay arkeen markab weyn oo kuwa dagaalka ah oo qarxaya, kaddibna quusaya

Qaar ka mid ah Kaluumeysatada deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa ay u maleynayaan inuu ka dhex dhacay markabka oo ahaa kuwa dagaalka.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya inay arkaan labo markab oo kale oo kuwa dagaalka ah, kaasoo u soo gurmaday halkii uu markabka ku degay oo deegaanka Murcanyo u jirta illaa 4 mile.

Ma cadda waxa dhabta ah ee qaraxaas u ahaa, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan.

Maraakiib kuwa dagaalka oo ka socda dhowr dal ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo kula dagaalamaya burcad badadeedka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.