Madaxwayne Farmaajo oo Shaqadda ka eryay La Taliyihiisa Amniga.

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo ayaa Shaqadda ka eryay La Taliyihiisa Amniga, Xuseen Damuumaaye oo lagu eedeeyay inuu gacan saar la leeyahay Itoobiya iyo Imaaraadka. Waxaana soo jeediyay in la eryo Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin.

Xuseen Damuumaaye oo markii la magacaabay Madaxwayne Farmaajo uu u magacaabay La Taliyihiisa Amniga ayaa ku soo biiray Nabadsugidda Somalia 2012-kii, isagoo aan lahayn Wax Darajo Ciidan ah. Wuxuuna Mudadaasi kooban ku noqday Gaashaanle Sare, taasoo ay dad badan is waydiinayaan siday ku dhici karto in Waqtigaasi uu ku gaaro Kornayl.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Somalia ayaa u sheegay Hornafrik in looga shakiyay Damuumaaye inuu Xogta Madaxtooyadda Somalia u gudbiyo Imaaraadka iyo Itoobiya oo uu ku xiran yahay Sirdoonkooda. Waana sababta keentay in Dawladda Somalia ay ka eriso Shaqadda.

Somalia ayaa ku sii dhex milmaysa Khilaafka u dhaxeeya Wadamadda Khaliijka oo gaaray heerkiisii ugu xumaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.