Muqdisho oo laga xusayo 26-ka June iyo Hargayso oo aan laga war hayn.

0

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu maamusayo 26 June oo ah Maalinkii ay xoroobeen Goboladda Waqooyi Galbeed Somalia ayaa ka soconaysa Magaaladda Muqdisho. Waxaana Munaasibadan ka qayb galaya Madaxwayne Maxamad C/laahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaare, Xasan Cali Khayre.

Munaasibadda oo haatan socota ayaa waxaa ka qayb galaya Xubno ka tirsan Golayaasha Dawladda, Marti Sharaf, Dadwayne, Diblomaasiyiin Shisheeye iyo Odayaal goob joog u soo ahaa Xornimaddii Somlia.

Hoboladda Qaranka Waabari ayaa ka heesaya Munaasibadda, waxayna qaadayaan Heeso ay ku muujinayaan Muhiimadda Xornimadda iyo Halgankii dheeraa ee loo soo galay.

Goboladda Waqooyi Galbeed oo ahaa Halkii ka xoroobay Gumaystayaasha Ingiriiska 26 ka June 1960 ayaan laga maamuusayn Munaasibadaan. umana arkaan inay maalinkaas xoroobeen ee waxay Maamuusaan markii ay sheegteen inay ka go’een Somalia.

26 iyo 1-da July ayaa u astaysan Maalmaha Xoriyadda Somalia, Waana markii ay ka kala xoroobeen Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia Gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.