Maraykanka oo Sh Mukhtar Abuu Mansuur ka saaray Liiska Argagixisadda.

0

Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay VOA in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Abuu Mansoor ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay isaga iyo Hoggaanka Al-Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay in Xurgufta ugu wayn ay dhex martay isaga iyo Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, kaddib markii ay dhowr arrimood isku qabteen oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsanaa Ururkaas oo la khaarijiyay, taas ayaana sabab u aheyd inuu gooni uga baxo Kooxda, isagoo sanado ku dhuumaaleysanayay miyiga Gobolada Baay iyo Bakool.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.

Sidii kale ma jirto wax hadal oo uu ka yiri arrintan Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo in mudd ah la hadal hayay Suurtagalnimadda inuu ku soo biiro Dawladda Somalia.

Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa ka daba imaanaya saaxiibadiis Zakariye, Xasan Daahir, iyo Xubno kale oo horay ugu soo gacan galay Dawladda Somalia. Waxayna Dad badan aaminsan yihiin ka saaristiisa Liiska Argagixisadda inay fudadaynayso inuu cadaysto Mawqifkiisa Rasmiga ah, isagoo tiro ka dhawr jeer shuruud ka dhigay ku soo biiritaankiisa Dawladda Somalia in marka hore laga saaro Liiska Argagixisadda Caalamiga ah.

Mukhtaar Rooboow hadda awood kuma dhex lahan Alshabaab, Waana Shaqsi isaguba lafihiisa kala baxsaday oo ku dhuumaalaysta Deegaanadda uu ka soo jeeda, Waxayna Dadka Arrimaha Alshabaab falanqeeya ku doodayaan inaysan micno soo kordhinayn xilligan xittaa haddii uu soo goosto Mukhtaar Rooboow oo u muuqda Shaqsi kaligiis ah oo aan lahayn Awooddii uu ku dhex lahaa Kooxda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.