Safiiro si hoose loo magacaabay oo muran ka taagan yahay.

0

Dawladda Federaalka Somalia ayaa magacawaday Safiiro dhawr ah oo aan la shaacin, kuwaas oo qaarkood ay tageen Dalalkii loo magacaabay. Waxaaana ka mida Safiiradaasi Safiir Cusub oo loo magacaabay Turky ga oo lagu magacaabo C/raxmaan Jaamac Caydiid, kaasoo haatanba gaaray Ankara si looga gudoomo Waraaqaha Aqoonsiga.

Safiirka Somalia u fadhiya Qaramadda Midoobay ayaa isna loo magacaabay Abuukar Baalo oo dhawaan laga qaaday Xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, laguna badalay Fahad Yaasiin oo ahaa Wariye ka tirsan TV ga Aljazeera ee ay Qadar maamusho.

Safiirka Somalia u fadhiya Ingiriiska oo isna loo magacaabay, Cabdiraxmaan Caynte oo horay u ahaa Wasiirka Qorshaynta ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay Raiisul Wasaare, Xasan Cali Khayre oo ku doodaya in wax qaybsiga Beeshooda dhexdeeda ah uusan Caynte noqon karin Safiir. Waxa uu sidoo kale ku eedaynayaa Caynte inuu ka mid yahay Xisbiga Daljir oo u ololaynaya in meesha laga tuuro Raiisul Wasaaraha.

Safiiradan ayaa ah kuwa aan Warbaahinta laga shaacin, isla markaana aan lagu soo saarin Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda Somalia. Waxaana kaliya la siiyay Waraaqo Magacaabis ah, taasoo ka hor imaanaysa Habka Dawliga.

Safaaradaha ayaa ah hadda halka doodada ugu badan ay ka taagan yihiin oo ay Madaxda Dawladdu u kala xusub duubayaan inay gaystaan dad ay iyagu wataan. Waxaana Madaxwayne Farmaajo uu inta badan Dadkii la soo ololeeyay Ololihiisa Doorashadda doonayaa inuu u kala magacaabo Safaarado, taasoo ay ka dhalan karto Doodo badan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.