Farmaajo oo ku wajahan Uganda.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay booqasho Rasmi ah ku tagaan Magaaladda  Kampala ee dalka Uganda.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo aheyd mid horay loo sii shaaciyay,  kaddib markii uu casuumaad uu ka helay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, siyaasada, ammaanka, iyadoo Uganda ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Uganda ayaa noqoneysa tii afaraad oo uu ku tago wadamada gobolka, isagoo horay u booqday dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo dhamaan ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa sanadkii 2011, isagoo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare inuu Kampala u tagay heshiiskii la magac baxay Kampala Accord ee sababta u ahaa inuu is casilo, kaddib markii ay is qabteen madaxdii xilligaas, iyadoo dowladda Uganda ay soo fara gelisay khilaafkaas.

Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee ciidamo nabad ilaalin u soo dira Soomaaliya, sidoo kale waa dalka ugu badan ee Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.