Puntland oo bilaabay inay madaafiic ku garaacaan Buuraha Galgala (Sawirro)

0

Ciidamada Puntland ayaa bilaabay inay madaafiicda ka dhacda qoryaha loo yaqaano Artilery ay ku garaacaan Buuraha Galgala, halkaasoo la rumeysan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ka qeyb qaadanaya howl galo ka socda buuraha Galgala, iyadoo la soo sheegayo in shalay iyo doraad ay iska caabin la kulmeen.

Sawiro la soo dhigay Barta Facebook ee Ciidamada Puntland ayaa muujinaya, ciidamada oo madaafiic ku garaacaya buuraha, iyagoo adeegsanaya qoryaha Hoobiyaha 120 loo yaqaano.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gaareen buuraha Calmadow oo ah goobo istiraatiiji ah, laguna dhuuman karo, halkaasoo ay madaafiic ku garaaceen.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay taageerayaan diyaarado aan duuliyaha laheyn, gaar ahaan kuwa wax basaasa, oo ay heystaan Ciidamo uu si gaar u tababaray Mareykanka.

War ka soo baxay Ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay inay bur buriyeen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen buuraha, ayna ku dileen dagaalyahano fara badan.

Puntland ayaa ku dhawaaqday dagaal adag oo ay ku soo afjareyso Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda Galgala oo ah buuraley silsilado.

 

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.